4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2013
Xisbiyada WADANI iyo UCID ee Somaliland oo Kala Saxiixday Heshiis ay Ku Noqonayaan Mucaarad saxa Xukuumadda (SAWIRRO)


Arbaco, July 24, 2013 (HOL) —  Labadda Xisbi mucaarad ee Somaliland (Xisbiga UCID iyo WADANI),ayaa maanta kala saxeexday heshiish iskaashaanbooraysi mucaarad ah oo ay ku saxayaan xukuumadda.

Labaddan xisbi mucaarad oo aad u kala fogaa, isla markaana warbaahinta iska marin jiray dacaayado, ayaa soo afjaray khilaafkooddii ka dib markii dhowaan laba guddi loo saaray qodobo ay ku heshiiyaan si isku bahaystaan, isla markaana xukuumadda u toosin lahaayeen.

Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii labadda xisbi lagu eedeeyey inay kaalintii mucaaradnimo baneeyeen, taas oo ay keentay in siyaasiyiin mucaarad ahi samaytaan gole cusub oo ugu magacdareen golaha wadatashiga iyo toosinta Qaranka, taas oo xukuumaduna aad uga qayliday golahan cusub kuna tilmaameen sharci daro.

Heshiishkan labadda xisbiga kala saxeexdeen ayaa maanta duhurkii lagu qabtay hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin kala matalaysay labadda xisbi mucaarad oo ay hogaaminayaan labadda gudoomiye.

“Waxa maanta farxad weyn iyo guul u ah labada xisbi mucaarid ee Wadani iyo Ucid inay si wada jira u heshiiyeen maanta oo bishu tahay 24/07/2013, taas oo laga soo bilaabo 15/07/2013 oo la soo afjaray khilaafaadkii siyaasadeed ee u dhaxeeyey labada xisbi, isla markaan ay labada xisbi isla qaateen ay iska kaashadanaa arimaha mucaaridnimo iyo danta qaranka”ayey ku sheegeen war-murtiyeedka labadda xisbi wada jir u soo saareen.

Waxaana ka mid ahaa qodobadda lagu heshiiyey:
  1. In la magacaabay guddida wada shaqaynta labada xisbi Qaran,
  2. Inay labada xisbi Qaran iska kaashadaan sidii ay xukuumada ugu ilaalin lahaayeen ku dhaqanka distoorka iyo  shuruucda dalka.
  3. In labada xisbi mucaarid ay ku heshiiyaan inay xukuumada si mug leh ugala shaqeeyaan hawlaha ictiraafk raadinta dalka.
  4. In wada tashi joogto ah laga yeesho marxaladaha uu marba dalku marayo.
  5. In si wada jira layskaga kaashado arimaha doorashooyinka dalka si aanay doorashooyinku wakhtigoodii ugu qabsoomaan, dib uga dhicin.
  6. Inay labada xisbi mucaarid  diyaar u yihiin inay xukuumada iyo xisbiga Kulmiye kala shaqeeyaan danaha guud ee dalka.
  7. Inay reeban tahay inay labada xisbi iska duraan warbaahinta, oo aan laysku marin wax aflagaado ah.
  8. In haddii uu wax khilaaf ahi soo kala dhex galo ay labada xisbi si wada jira u xaliyaan.
  9. In si wada jir ah loola shaqeeyo guddida doorashooyinka qaranka iyo  daneeyayayaasha doorashooyinka.
  10. In guddida wada jirka ah ee labada xisbi qaran  ay anshax mariso cidii burisa mid ka mid ah qodobada heshiiska labada xisbi.

Heshiishka dhexmaray labadda xisbi, ayaa noqonaya kii ugu horaysay ee ay ku heshiiyaan, iyagoo markii hore warbaahinta iska dhaliili jiray.

Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa si adag u dhaliili jiray hogaanka sare ee Wadani, isagoo ku eedeen jiray inay xukuumaddu samaysatay, isla markaana aanu buuxin Karin kaalinta mucaaradnimo , taasina ay keentay inuu gudoomiyaha UCID ku biiro golaha cusub ee siyaasyiinta mucaaradka ahi ku bahoobeen ee golaha wadatashiga iyo toosinta Qaranka, haseyeeshee xukuumadda oo golahan si adag uga soo horjeesatay ayaa keentay inuu is bahaysi cusub la galo xisbiga Wadani oo ay xurguf siyaasadeed ka dhexeysay tan iyo markii la aasaay xisbiga wadani.

Gudoomiyaha golaha Wakiiladda ahna gudoomiyaha xisbiga WADANIGA ayaa madashii heshiiska ka sheegay in golaha wadatashiga ee hore xisbiyada mucaaradka ugu eedeen jiray inay kaalintoodii mucaaradnimo gabeen ayaa tilmaamay inay hadda buuxin doonaan kaalintaasi lagu dhaliilay.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo sadexdii sanadood ee ay dalka xukumaysay wax mucaarad adag ah ka hor iman, ayaa maalmahan dambe waxa isa soo taraya inay xisbiyadii iyo siyaasiyiin badani isku bahaystaan sidii ay u dhaliili lahaayeen qaabka ay dalka u maamusho.




Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland