4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Ururka Midowga Yurub Ku Wareejiyay Dhul ay ka dhistaan Xafiisyo ay ku shaqeeyaan (SAWIRRO)


Arbaco, July 24, 2013 (HOL) —Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ku wareejiyay, Nick Westcott oo ah agaasimaha Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Afrika waraaqihii dhul bixinta si Midowga Yurub ay xafiisyadooda ugu soo raraan gudaha Soomaaliya ayna si rasmi ah uga howlgalaan.

Xasan Sheek Maxamuud oo saxaafadda kula hadlayay Muqdisho ayaa xusay in tani ay qayb ka tahay adkeynta xiriirka Midowga Yurub iyo Soomaaliya ka dhexeeya, isagoo yiriL “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan idin siinno dhul si aad xafiisyadii Midowga Yurub ay uga howlgalaan dalka gudihiisa oo ay shacabkii Soomaaliyeed u soo dhawaadaan.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii hadlay ayaa yiri: “Midowga Yurub waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, codsiga dhulkana waa calaamad tusineysa sida ay uga go’an tahay inay dalka uga howlgalaan oo ay mashaariic horumarineed ee dadka Soomaaliyeed anfacaya uga hirgeliyaan.”

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad ay tallaabooyin horumarineed ku gaartay ayna malin walba ku tallaabsanayso horumarro kala duwan. Midowga Yurub marka uu si rasmi ah uga howlgallo dalkana ay kaalin weyn ka qaadaneyso sidii ay dowladda ugala shaqeyn laheyd mashaariicda horumarineed oo shaqooyin ay ka heli doonaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo diyaarka u ah inay dalkooda iyo dadkooda u shaqeeyaan.

Nick Westcott oo isna hadlay ayaa aad iyo aad uga mahadceliyey waraaqihii dhul-bixinta ahaa ee la guddoonsiiyey, sheegeyna in Midowga Yurub uu mar walba garab taagan yahay dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo, Xasan Sheekh Maxamuud.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya