4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo looga yeeray baarlamanka si wax looga weydiiyo Ammaan-darro Taagan

Arbaco, July 24, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa looga yeeray maanta golaha baarlamaanka, kaddib markii ay mooshin ka geeyeen xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal ay xildhibaanadan u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka Somalia ayaa looga dalbaday wasiirka inuu ku horyimaado xildihbaanada maalinta Axadda ah ee soo socota si wax looga weydiiyo falal ammaan-darro oo ku soo laabaatay gobolka Shabeellada Hoose iyo kuwo ka taagan Muqdisho.

“Waxaan qoraalkeenna ku xusaynaa in wasiirka arrimaha gudaha uu ku hor-yimaado golaha shacabka Axadda si uu uga jawaabo amni-darro iyo dagaal beeleedyo ay qayb ka yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya oo kusoo noq-noqday gobolka Shabeellada Hoose,” ayaa lagu yiri qoraalka ay xubnuhu u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka Soomaaliay.

Shir-guddoonka kulankii maanta ee baarlamaanku uu yeeshay oo ahaa ku xigeenka labaad guddoomiyaha baarlamaanka, Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in qoraalkan ay ku saxiixan yihiin 15 xildhibaan ayna soo gudbiyeen lix su’aal oo ay weydiinayaan wasiirka arrimaha gudaha.

“Maalinta Axadda ah waxaa laga codsanayaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka inuu ku horyimaado golaha shacabka si wax looga weydiiyo ammaan-darrada ay xidlhibaannadu sheegeen,” ayuu yiri Cawad.

Xildhibaannada baarlamaanka ee soo gudbiyay mooshinkan ayaa waxay ku sheegeen qoraalkooda in qodobka 78-aad ee axdi hoosaadka uu qorayo in Axad walba loo qoondeeyo waqti su’aalo lagu weydiinayo xubin xukuumadda ka tirsan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya looga yeero golaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo la xusuusto in dhowr jeer uu wasiirka arrimaha gudaha hortagay baarlamaanka uuna ka jawaabay su’aalo laga weydiiyay arrimaha ammanka dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya