4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2013
Xildhibaan Shiikh Aadan Mad-deer oo ka hadlay qarax Maanta lagula eegtay Degmada Xamarweyn ee Gobolka Banaadir (SAWIRRO)


Arbaco, July 24, 2013 (HOL) — Xildhibaan Sheekh Aadan Mad-deer ayaa ka warbixiyay qarax maanta haleelay gaarigiisa oo marayay gudaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, isagoo sheegay in markii uu qaraxu dhacay ay gaariga saarnaayeen, balse aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaartay.

Sheekh Mad-deer oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu u maleynayo in qaraxa uu ahaa mid uu gaariga ku istaagay, ayna dhaawacyo halis ah ka soo gaareen darawalkiisii iyo laba ruux oo ilaalo u ahayd.

“Qaraxa wuxuu dhacay innagoo marayna agagaarka Bacadlaha Xamarweyne waana ka badbaaday oo ALLE waxba naguma gaarsiin, innagoo nabad qabna ayaana ka dagnay gaariga waayo gadaal ayaan saarnayn, gaarigana qaybta hore ayuu ka qarxay,” ayuu yiri xidhibaanka.

Sidoo kale, Sheekh Mad-deer wuxuu hadalkiisa ku daray in saddex ka mid ah ilaaladiisa ay dhaawacyo kala duwan kazoo gaareen weerarkaas, sida in darawalkiisii uu labada lugood oo hore ka go’ay.

“Waxaa ila saarnayd gaariga xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka Somalia mana jirto wax dhibaato ah oo na gaartay labadeennaba, mana garanayno cid ka dambeysa weerarka,” ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku daray.

Gaarigii xildhibaanka ayaa gabi ahaan burburay iyadoo sidoo kale qaraxaas uu ku dhintay hal qof oo rayid ah, 10-qof oo saddex ka mid ah ay ahaayeen kuwo la socday gaariga xildhibaanka iyo toddoba qof oo kela oo shacab ah.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Xamarweyne, Cabdullaahi Sahal Gar-dhuub oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa mid khasaare geystay ayna u maleynayaa in gaariga lagu soo xiray.

Ugu dambeyn, Gar-dhuub ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay baaris ku hayaan sidii uu qaraxaas u dhacay iyo ciddii ka dambeysay, wixii kasoo baxa baaritaannadaasna loosoo bandhigi doono saxaafadda.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya