4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2013
Qarax lagu Weeraray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhacay Degmada Xamarweyne ee Muqdisho

Arbaco, July 24, 2013 (HOL) — Qarax xooggan ayaa goor-dhaw ka dhacay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, kasoo ka dhashay gaari ay wateen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo xildhibaannada kasoo gaartay qaraxaas.

Qaraxan oo ahaa ka dhashay miino lagu xiray gaariga ay xildhibaannadu wateen ayaa dilay qaar ka mid ah ilaaladii gaariga la socday iyo dadka shacab ah oo goobtaas ku sugnaa, waxaana burbur xooggan uu soo gaaray gaarigii.

“Mar qura ayaan maqalay qarax aad xooggan wuxuuna ka dhacay meel ku dhow bacadlihii hore ee degmada Xamarweyne, baabuurka waxaa watay laba xildhibaan oo midkood uu ahaa Sheekh Aadan Mad-deer iyo mudane kale, markii ka dageen gaariga ayuuna qarxay,” ayuu HOL u sheegay mid ka mid ah goobjoogayaashii ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Dadka rayidka ah ee ku dhintay qaraxa ayaa la sheegay inuu yahay hal qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen toddoba qof oo kale oo rayid ah, balse lama oga khasaaraha soo gaaray ilaaladii xildhibaannadan ee gaariga saarnaa markii uu qaraxu dhacayay.

Ma jirto cid sheegatay inay weerarkan ka dambeyso, balse mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeya weerarrada noocan oo kale ah inay ka dambeyso Al-shabaab oo dagaal kula jirta.

Wixii warar ah ee kasoo kordha waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii ALLE ogoladao.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya