4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2013
Al-shabaab oo xalay Weerarro ku qaaday degmada Baydhabo iyo deegaano ay ka mid yihiin Goof-guduud iyo Awdiinle

Arbaco, July 24, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen dagaallo xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Bay, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Baydhabo, Goof-guduud iyo Awdiinle.

Dagaalladan oo ahaa kuwo isku xillli dhacay ayaa qarxay kaddib markii Al-shabaab ay weerarro ku qaadday saldhigyo ay ciidamada dowladdu iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Baydhabo iyo deegaannadan.

Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalka oo soo gaaray labada dhinac uu ka badan yahay inta lasoo warinayo ayna jiraan dhaawacyo fara badan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Al-shabaab ayaa waxay weerarradeenna kusoo beegmayaa xilli ay ciidamadii Itoobiya isaga baxeen Baydhabo iyo duleedkeeda, halkaasoo ay muddo kaga horjeedeen xooggaga Al-shabaab oo ay ka saareen halkaas.

Warar dheeraad ah oo kusoo kordha dagaalkan waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.

Hiiraan Online, Baydhabo