4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2013
Sarkaal ka tirsanaa hay'adda Cilmi-baarista Puntland ee PDRC oo Xalay lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

Arbaco, July 24, 2013 (HOL) —Dabley hubeysan ayaa xalay waqooyiga magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ku diley sarkaal ka tirsanaa Hay'adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC, xafiiskeeda gobolka Mudug.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jirey C/naasir Maxamed Cilmi ayaa la toogtey abbaare 8:30 fiidnimo ee xalay, xilligaas oo uu kasoo baxay masjid kudhow gurigiisa oo uu salaaddii Taraawiixda kusoo tukadey.

Dableyda dilka geysatey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday. Waxaa iyaguna daqiiqado kadib goobta soo gaarey Ciidamada Booliska. Inkasta oo ay baaritaan muddo kooban socdey sameeyeen; hadana kuma guuleysan in ay falkaas cid usoo qabtaan.

Waa sarkaalkii labaad ee ka tirsan Hay'adda PDRC ee lagu dilo magaalada Gaalkacayo tan iyo sanadkii 2011, sidoo kale wuxuu saddex ka dhigayaa tirada guud ee dadka bishan gudeheeda lagu diley magaaalada Gaalkacayo.

Dilalka qorsheysan ayaa todobaadyadii u danbeeyey kusoo badanayey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, waxaase xusid mudan in dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ay magaalada Gaalkacayo ahayd mid aad u xasilloon.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya