4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2013
Kulan looga hadlayay Ammaanka oo ay ka qaybgaleen Mas'uuliyiin sar-sare oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)


Talaado, July 23, 2013 (HOL) — Kulan ballaaran oo looga hadlay amniga  oo ay ka qeyb-galeen wasiiro, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadiriyo qahybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed maanta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Muqdisho.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda wadahadalka Bulshada ee CCD ayaa waxaa ka qayb-galay wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka. Jaamac Axmed Maxamed (Jaamac Oday), guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, wasiirka ka socday Gal-mudug, xildhibaanad Caasho Koos, guddoomiyaha hay'adda CCD, Ciise Axmed Cumar iyo ururrada haweenka.

Furitaankii kulanka aya awaxaa ka hadlay, Xasan Coday oo ku hadlayay magaca dhallinyarad gobolka Banaadir isgoo sheegay in kulanka uu yahay mid wacyi-gelin ah oo lagu baraaruinayo dhallinyarada inay qaybtooda ka qaataan sugidda ammaanka gobolka Banaadir iyo midka dalka oo dhan.

Mudane Jaamac Oday oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay isu imaatinka kulankan ay ka qeyb-galayaan in ka badan labo boqol dhallinyaro oo ka kala socday 17-ka degmo ee gobolka Banaadir uu ka kooban yahay.

"Runtii waxaa ammaan u soo jeedinayaa dhallinayarada degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Banaadir ee halkaan fadhiya; waxaa ku ammaanayaa inay xil badan iska saareen ammaanka iyo is-dhex-galka bulshada iyo inay ka qaybgalaan sidii amniga lagu sugi lahaa,” ayuu yiri oday.

Wasiir ku-xigeenka oo sii hadlaya ayaa yiri: “Waxa keliya ee naga maqan waa inaan noqonno waddaniyiin dalkoda dhisa, waa inaad ku xisaabtannaa, wadaniyadda iskama timaado cayaar-cayarna ma ahan, marka qofka fahmo danta guud ayuu dalkiisa difaacaa, waxaa dalka baabi'iyay waa qabyaaladda iyo danaysiga waa inaan labadaas meesha ka saarnaa.”

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenku wuxuu sheegay in dhallinyarada 17-ka degmo ee gobolka Banaadir looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan ammaankooda ayna ka wasaarad ahaan ay soo dhaweynayaan shirkan ballaaran loo qabtay dhalinyarada.

Xildhibaanad Caasho Koos oo kulanka ka hadashay ayaa iyadana sheegtay in dhallinayarada looga baahan yahay inay isku xirnaadaan nabadana si guud uga shaqeeyaan, iyadoo xustay in dhalinyarada ay yihiin mustaqbalka dalka.

"Mustaqbalka dalka waa idinka kuwa uurka lagu sido iyo kuwa dhabarkiinna jiifa, waxaa la idinka rabaa gacan ku dhiiglaha haddii hooyadaa dhashay in aadan qarin kuwa guryaha aad ku heysatiin inaadan qarin dumiyaha dalka, haween dilaha, dhallinyaro dilaha inaadan qarin oo aad soo saartaan," ayay tiri xildhibaanadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo kulanka ka jeediyay khudbad xasaasi ahayd oo dhinacyo badan taabaneysay ayaa sheegay in dhallinyarada ay maanta garteen inay doorkooda ka qaataan sugidda amniga caasimadda, ayna taas ku bogaadin doonaan.

"Waxaa farxad weyn noo ah maanta in dhallinyarada kacday oo ay garteen doorka ay ku leeyihiin amniga magaalada iyo is dhex-galka bulshada, waxaa aad ugu mahdinaynaa CCD abaabulkan ay sameysay horay waa u ogeyn in ay abaabulo badan sameyso bulshada qeybaheeda kala duwan," ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa sheegay in dhallinyarada ay yihiin dadka wax bedelo, isla markaana ay qayb weyn ku lahaayeen kacaannadii dalalka carabta ka dhashay, taasoo uu xusay in dhallinyarada ay horseed u ahaayeen isla markaana aanay jirin awood celin karta xitaa haddii uu yahay Taangi.

"Dadka wax bedela waa dhallinyaro, kacaannadii dalalkii carabta ka dhashay dhallinyarada ayaa horseed u ahaa, sababtoo ah mustaqbalkooda iyagaa u noqday horseed, dhallinyarada awood la celin karo ma ahan, xitaa haddii la soo qaato taangi, laakiin magacan dhallinyaro maanta waa la xumeeyay oo waa lagu ciyaaray, waxaa laga dhigay kuwo dabka lagu shido," ayuu Tarsan ku daray hadalkiisa.

Waxaa kaloo ka hadlay kulanka guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan Joodax, gudoomiye ku-xigeenak ururka haweenka Qaranka, Canab Xasan Cilmi, guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, kuwaasoo dhamaantood ku nuun-nuuxsaday inay bulshada is-abaabusho, ammaankana ka shaqeyso, isla markaana lasoo sheego dadka falalka amni darada ka dambeeya.

Ugu dambeyn boqolaalkii dhallinyaro ahaa ee kulanka ka qayb-galay ayaa is-weydaarsaday talooyin iyo fikrado la xiriiray sida lagama maar-maanka u ah inay isku xirnaadaan, ayna laamaha amniga kala shaqeeyaan cid kasta oo amniga caqabad ku ah ay soo sheegaan.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya