4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2013
Kooxo Hubeysan oo nin Ganacsade ahaa ku Dhaawacay Maanta Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Talaado, July 23, 2013 (HOL) — Kooxo sida la sheegay ku hubeysnaa bastoolado ayaa maanta magaalada Baladweyne gaar ahaan xaafadda howl-wadaag weerar ku qaaday kuna dhaawacay mid ka mid ah ganacsatada sida weyn looga garnayo magaalada Baladweyne oo lagu magacaabo Xaaji Quuroow.

Dad ku sugnaa halka uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in afar dhalinyarro ah oo ku hubeysneyd bastoolado weerar ku qaadeen ganacsadaha, kuwaasoo sidoo kalana dhaawac u geystay mid ka mid ahaa ilaaladiisa.

Dhakhaatiirta isbitaalka magaalada Baladweyne oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in ay la tacaalayaan xaalada caafimaad ee ganacsadaha, islamarkaana uusan qabin dhaawac halis ah.

Kooxihii weerarka geystay ayaa durbaba goobta isaga baxsaday, ilaa iyo hadda nalama oga sababta rasmiga ah ee weerarka ganacsada iyo cid ka danbeysa.

Laakiin guddoomiyaha degmada Baladweyne Cabdi Bishaar Aadan oo warbaahinta la hadllay ayaa ku eedeeyay weerarka in ay ka danbeeyeen Al-shabaab, islamarkaana wadaan baaritaan arintaa la xiriira.

Dhawaan ayeey aheyd markii xili habeenimo ah kooxo hubeysan ku dilleen magaalada Baladweyne guddoomiye ku-xigeenkii maxkamadda degmada  Macalin Xassan Cilmi Ciyoow [Xassan Dheere]

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya