4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2013
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Shaaciyay in Ciidamadooda ay la sii Dagaalami Doonaan Xoogagga Al-shabaab


Talaado, July 23, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Tedros Adhanom oo warbaahinta kula hadlay Addis Ababa ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya oo horay ay ugu saareen Al-shabaab, balse taasi macnaheedu uusan ahayn in faraha ay laabteen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay taageero dhinaca milateriga ah ka heshay sannadihii lasoo dhaafay dowladaha Itoobiya iyo kuwo kale oo Afrika ah oo u soo diray AMISOM, kuwaasoo ku guuleystay inay xoogagga Al-shabaab ka saaraan magaalooyin badan oo ay xoog ku lahaayeen.

Al-shabaab ayaa waxay weli qaraxyo ay ku jiraan kuwo ismiidaamin ah ka sameysaa Muqdisho, iyadoo la xusuusto in ciidamada Itoobiya ay billowgii sannadkan isaga baxay degmada Xudur, halkaasoo ay dib ula wareegtay Al-shabaab.

“In ciidamadeennu ay ka baxaan Baydhabo waxay ahayd inay dhacdo sanad ka hor, balse ciidamada AMISOM oo diyaar-garow ku jiray ayaa dib u dhaca keenay,” ayuu yiri Adhanom oo intaas ku daray in ciidamadooda ay sii wadi doonaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay todobaadkii lasoo dhaafay si buuxda uga baxeen degmad Baydhabo oo 250-km dhinaca waqooy-galbeed kaga beegan xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

“Waxaan ku faraxsanahay in si wanaagsan loo qorsheeyay ka bixitaanka ay ciidamadeennu ka bxeen Baydhabo, ayna la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa caawinaya,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka arimaha dibada Itoobiya.

Tedros wuxuu sheegay in dowladdiisu ay qorsheynayso inay ciidamadeeda u dirto deegaannada ay awoodda ku leedahay Al-shabaab, isagoo xusay inay ku kalsoon yihiin inay ciidamada Soomaalida la wareegi doonaan goobaha ay ka saaraan Al-shabaab.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa kusoo beegmaya iyadoo horay ay xukuumaddan u sheegtay in ciidamadeeda ay joogayaan Soomaaliya inta ay dowladda Soomaaliya awood ka yeelanayso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya