4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2013
Qarax ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah oo ka dhacay Kismaayo

Talaado, July 23, 2013(HOL) :- Laba qof oo rayid ah ayaa dhaawacantay kadib markii qarax gudaha magaalada Kismaayo lagula eegtay gaadiid nooca raaxada oo ay wateen dad rayid ah.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Farjanno, gaar ahaan agagaarka warshadii hore ee Hargaha, waxaana lala beegsaday gaari nooca raaxada oo uu lahaa mid ka mid ah ganacsatada magaalada Kismaayo.

Weerarkan ayaa sababay dhaawac soo gaaray wadihii gaadiidka iyo weliba haweeney ka agdhawayd halka uu weerarku ka dhacay, waxaana dadkaasi loola cararay isbitalka guud ee magaalada Kismaayo si loogu daweeyo.

“Wadada gawaari badan ayaa isticmaasho, markii uu gaarigan marayay ayuu qaraxu dhacay, waxaan arkay dhaawaca darawalka iyo ruux haweeney ah, gaarigana waxa gaaray burbur,” sidaa waxa yiri goobjooge ka agadhawaa halka uu qaraxa ka dhacay oo HOL u waramay.

Ilaa imika lama garanayo sababta ka danbeeysay in la weeraro gaadiidkaasi,  mana jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo mudooyinkii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo ka dhacayeen qaraxyo is daba joog ah oo lala beegsanayay ciidamada maamulka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.