4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2013
Gobolka Minnesota oo si buuxda u taageeray dib u eegis lagu sameeyo sharciyada socdaalka iyo soogalootiga

Talaado, July 23, 2013 (HOL) - Waxaa maanta Magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota  ee wadanka Mareykanka ka dhacay shir lagu taageerayo dib u habeynta sharciyada  dadka soogalootiga ah  ee dalka Mareykanka, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Betty McCollum oo ah Congresswoman ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga oo laga soo doorto gobolka Minnesota.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen ururada shaqaalaha, ganacsatada, hey’adaha ammaanka iyo ururada diimaha ayaa lagu muujiyay baahida loo qabo dib u habeynta sharciga waaxda socdaa, kaas oo gogol xaar u noqon doona sharciyeynta 11-milyan oo si sharci darro ah ugu nool gobolada kala duwan ee dalka.

“Dhammaan awoodeena waan iskugu geyneynaa in la meel mariyo dib u habeynta sharciyada socdaalka iyo soogalootiga, waayo danaha dhaqaalaha iyo qiimaha dadka American ka ah ayaa jirta in 11-milyan oo sharci darro dalka ku jooga laga dhigo muwaadiniin shaqeysan karta” ayay tiri McCollum.

Waxay sheegtay McCollum inay dadkan ay bad-baadin karaan nololsha qoysaskii ay ka yimaadeen oo ku sugan xaaladdii ay ka soo carareen, iyadoo tiri “Markii ay sharciyada helaan way la midoobi doonaan qoysaskoodii, waxayna fursad u heli doonaan inay kula noolaadaan America”

McCollum waxay sheegtay in haddii soogalooitga sharciyo la siiyo in dhaqaalaha mareykanka uu kordhi doono 5.4% , taas oo micnaheedu yahay  in $1.4 trillion  uu kobici doono, isla markaana qof kasta oo Mareykan ah oo shaqeeya uu todobaadkii heli doono $250 dollar cel-celis ahaa sanadda 2033, marka loo bar-bardhigo xilligan.

Waxay sidoo kale xustay in $135 billion  ay soo xareyn doonaan qoysaskan inta u dhexeysa 2014-2023.

85-kun oo ka mid ah qoysaska aan heysan sharciyda waxay degan yihiin gobolkan Minnesota, kuwaas oo ka soo kala jeeda 29 dal oo Soomaaliya ka mid tahay.

Inkasta oo aysan cadeyn tirade rasmiga ah ee dadka sharci la’aanta ah ee Soomaaliyeed oo ku nool dalka Mareykanka, hadana waxaa la aaminsanyahay inay jiraa kumanaan dhalinyaro ah ay ka soo galay dhinaca xuduuda Mexico aysan heysan sharciyo iyo shaqo intaba.

Ka soo qey galayaashii shirka ayaa sheegay in sharciyeynta soogalootiga aan laga fursan doonin.

“Ammaanka iyo deegaameynta ayay muhiim u tahay in sharciyo la siiyo qoysaskan” ayuu yiri Sheriff Matt Bostrom oo ah sarkaal heysta ciidanka deegaanka Ramsey.

Hey’adaha quxuuda aadanaha iyo sharciyaqaanadda ayaa iyaguna xusay in haddii dib loo dhigo dib u eegidda sharcigan uu imaan doono niyad jab xoog leh, iyadoo dhinac kale codsaday in la fududeeyo bixin fiisooyinka lagu soo galaya dalka America, waxayna sheegeen in 5-milyan oo qofood oo doonaya inay la midoobaan waalidkood ama walaalahood  ay feylashoodu ku xaniban yihiin safaaradaha Mareykanka ee duninda.

Xisbiga Jamhuuriga (Republican) ayaa diidan dib eegista shuruucda socdaalka iyo soo galootiga, iyadoo xisbiga kale ee Dimoqraadiga uu ku jiro ololihii ugu dambeeyay ee aqalka Senate ku ansixin lahaa, waxaana jira cadaadis badan oo la saarayo afhayeenka aqalka John Boehner, oo u muuqda inuusan jecleyn  codbixintan.

Gobolka Minnesota wuxuu ugu horeeya 15-kii gobol ee lahaa soo jeedinta wax ka bedelka iyo dib u eegista sharciyada socdaalka iyo soo galootiga.

Faarax Blue, Hiiraan Online,
Minneapolis, Minnesota
[email protected]