4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2013
PROF. GEEDDI: “ Wariyihii Wareysiga iga qaaday wuxuu ahaa khaa’in, wuxuuna ii sheegtay hay’ad uusan ka tirsaneyn”

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi
Jimco, July 19, 2013— Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa dhawaan waxaa uu wareysi siiyay Radio Al-furqaan oo ah Idaacad ay maamusho Al-shabaab, wareysigaasna wuxuu ahaa mid kulul oo su’aalo adag lagu weydiiyay Prof. Geeddi.

 

Su’aalaha aan soo qaadan karno ee wareysigaas lagu weydiiyay waxaa ka mid ahaa in intii uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa Soomaaliy uu dalka Soomaaliya ku soo hoggaamiyay ciidamo Itoobiyaan ah, isla markaana uu xasuuq geystay.

 

Haddaba markii uu shaacay wareysigaas ayuu Ra’iisal Wasaare Geeddi bixiyay wareysi kale oo uu ku sheegayo in wariyaha wareysigaas ka qaaday uu ahaa khaa'in, isla markaana uu u sheegtay hay’ad warbahineed uusan ka tirsaneyn.

 

“Waxaan ugu baaqayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kuwa noocaas oo kale ka digtoonaadaan, isla markaana ay iska hubiyaan qofka ay wareysiga siinayaan, waxaana uga tacsiyeynayaa umadda Soomaaliyeed in ay raalli ka noqdaan wixii ay iga maqleen, aniga oo ogsoon in ay isleeyihiin Cali Maxamed Geeddi maxaa ku dhacay" ayuu yiri Prof. Geeddi.

 


DHEGEYSO WAREYSIGII HORE

 

 

 
DHEGEYSO WAREYSIGII DAMBE

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]