4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2013
Soomaalida oo Aragtiyo kala duwan ka bixiyay kulan Siyaasiyiin caan ah ay dhawaan ku yeesheen Magaalada Nairobi
M1480006.jpg
Jimco, July 19, 2013 (HOL) - Shir muran badan ka dhex dhaliyay Soomaalida ayaa dhawaantaan waxaa qabtay siyaasiyiin caan ah oo ay kamid ahaayeen Ra'iisul wasaarayaal hore: Cali Khaliif Gallayr, Cali Maxamed Geedi, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Musharraxiin Madaxtinnimo: Dr. Maxamed C/laahi Baadiyow, Yuusuf Garaad Cumar, Sheekh Maxamed Yaasiin, madaxweynaha maamul goboleedka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheel) iyo wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Gaandi.

Inkastoo shirkan farriimihii laga jeediyay ay u badnaayeen kuwo nabadeed ayaa haddana inta badan Soomaalidii fikirkooda dhiibatay ay ku tilmaameen inuu ahaa mid dalka dib loogu celinayo khilaafaadyadii taagnaan jiray marxaladihii lasoo maray ee ku meelgaarka uu dalku jiray.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo kamid ahaa xubnihii ka qaybgalay kulankaasi ayaa dhawaantan laga waraystay ujeedooyinka ay ka leeyihiin kulamada ay wadaan iyadoo wariyihii waraysiga qaaday uu ugu yaraan dagaal dhanka afka ah ku qaaday Cali Geedi

halkan ka dhagayso:
/images/2013/Cali_Geeddi.mp3

Waxaa sidoo kale isna arrintan ka hadlay Yuusuf Garaad Cumar oo kamid ahaa masuuliyiintii kulankaas ka qaybgalay ee la kulmay dhaliilaha xoogga leh.

Yuusuf ayaa gabi ahaanba beeniyay warar ay horay saxaafaddu isula dhex maraysay oo sheegayay in shirkaas loo gol-lahaa afgami lala damacsanaa xukuumada Soomaaliya ee haatan jirta iyadoo tusaalana loo soo qaatay wixii ka dhacay dalka Masar.

"Soomaaliya Masar ma aha" ayuu Yuusuf cinwaan uga dhigay qoraal dheer oo uu ku sharraxayay ujeedkii shirka iyo sida loo qaatay intaba.

Linkiga ku dhufo: http://yusuf-garaad.blogspot.com/2013/07/soomaaliya-masar-ma-aha.html

Soomaalida kasoo horjeeda kulankan ayaa diidan in wadamada dariska ah laga maleego laguna jaangooyo siyaasadda arrimaha gudaha ee waddanka Soomaaliya, gaar ahaanna xilligan oo Soomaaliya ay ka jirto dawlad rasmi ah oo caalamkoo dhami aqoonsaday.

Soomaali badan oo ra’yigooda ugu soo gudbiyay Hiiraan Online dhanka facebook-ga ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida inay tagaan gudaha waddanka haday doonayaan inay mucaaradaan ama talo ku darsadaan dawlada federaalka ah ee haatan jirta.

Waa kuwaan qaar kamid ah fikradaha aadka loogu dhaliilayo siyaasiyiinta.


"Ninka Guba Dhulkeenee Latashada Gumaystoow Kugu Garanay Taladaad La Guur Guuranaysee.. ” (Magool AUN). Raggaan waa rag mar hore fashilmay, hadana kenyan baa dabada ka riixaya, bal maxaa u diiday inay caasimadooda ku shiraan - Ahmednuur Mohamud.

Waxaan layaaba awey maxakadii aduunka ee Charles Tylor iyo Milosovic soo qabatey?Kenya oo golaaftan wada oo kadooratey iney ey nimankaan soo dhoweysato oo garab marto shuruucda aduunka oodhan,cid wax qabata malawaayey? - Nargale Alanshe

Nimankanfursad ayaa soo martay hadii ay dadka soomaaliyeed uga faaiiday waayeen maxay hadda hayaan oon ka ahayn inay markale haddana meesha ka muuqdaan!! no way!!- Barak Barir.

Dhanka kalana qaar kamid ah dadweynihii fikirkooda dhiibtay  ayaa taageeray in qof walba uu mucaarad ahi uu xaq u leeyahay in aragtadiisa ku cabbiro meesha uu doono.
Waxayna dadweynaha taageersan siyaasiyiintan qaarkood la dhacsanyihiin mawqifkooda ku aadan Jubbaland.

Waa kuwaan qaar kamid ah fikirrada dadka taageersan kulanka:


Waa in uu fahmaa madexweyne xasan sheekh in dad badan oo siyaasiin ah.iyo aqoon yahana badan .uu talo ka diiday. Iyagoo arkaaya meesha qabyaalada lagaar sii yay.kulankan xalay nairobi ka dhacay waa fursad labaad.oo ah in madaxweyne xasan sheekh in uu ubaahan yahay Qofwalba oo talo wanaagsan wada. 4, 5 xal soomaaliya uma aha
- Suomi Nur Mahamed.

maadaama markuu xasan sheq yimaaday qabyaaladii 100% dib loogu noqday 1990 waa wax fiican.
in siyaasiin kala duwan isku yimaadaan oo talo soo saaraan maadaama dowladii jidkasta ka soo xirmay -
soomaali dhalad

Madaxdan meesha wada joogo waa dad wax badan fahasan wana laga marmaan in laga hadlo maxa dan u ah somali iyo sidii wax looga qaban lahaa ama loo saxi lahaa xukumada manta jirta marka waxan lenahay habalyo waana ku mahadsantihin inaad kulantaan oo wixii qaldan aad saxdaan dhamaatood way mahadsan yihiin guul - Mohamud Ali

Isku soo wada duuboo 22 sano ee lasoo dhaafay ayay siyaasiyiinta Soomaalida ku caan baxeen khilaafaad joogto ah iyo isqabqabsi aan dhammaad lahayn oo aan ku salaysnayn mabaadii balse la isku haysto xukunka dalka.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya