4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2013
Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Afrika ee ITUC oo walaac ka Muujiyay sharciga Saxaafadda ee ay soo Gudbisay Dowladda Somalia

Jimco, July 19, 2013 (HOL) — Xiriirka ururrada shaqaalaha Afrika ee (ITUC) ayaa warbixin ay maanta soo saareen kaga hadlay hindise-sharciyeedka ku saabsan sida loo nadaaminayo saxaafadda Soojmaaliya, kaasoo ay dhawaan soo bandhigay xukuumadda Soomaaliay.

ITUC-Afrika ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan sharcigan oo xanibaad kusoo rogaya xorriyadda hadalka iyo xaqa ay suxufiyiinta u leeyihiin inay si xor ah u baahiyaan wararkooda ayna kasoo xigtaa xogaha dhinacyada ay quseyso.

“Waxaan cadeeyneynaa in xoriyadda qowlka iyo xoriyadda saxaafadda ay aas-aas u tahay maamul wanaaga iyo dimuqraadiyad. Waxaa sidoo kale ah muhiim in la caddeeyo in suxufiyiinta ay yihiin kuwa isku xiraya warbaahinta iyo dadweynaha, ayna hormuud ka yihiin cadaalad ka jirta bulshada dhexdeeda,” ayay tiri ITUC Afrika oo ay xubno ka yihiin18 milyan oo shaqaalaha Afrikaan ah.

Xiriirka ururrada shaqaalaha Afrika ee ITUC ayaa ugu baaqday xukuumadda Soomaaliya inay dib u eegis ku sameyso sharcigan, isla markaan aan meel looga dhicin xorriyadda hadalka iyo warbaahinta Soomaaliya.

“Maanta howlaha horyaala dowladda Somalia waxaa ka mid ah inay sugto amniga suxufiyiinta ayna ciqaabto kuwa gala dambiya ka dhan suxufiyiinta iyo in suxufiyiintu helaan mushaar ku filan noloshooda,” ayaa lagu yiri war-bixinta ay soo saartay ITUC-Afrika.

Sharciga qabyada ah ee saxaafadda oo toddobaadkii hore ay meel-mariyeen golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa waxaa doodo badan ka keenay qaybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaalida qaarkeed, iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xalay la kulmay wariyeyaasha uu sheegay inaysan doonayn inay caburiyaan saxaafadda xorta ah ee Soomaaliyeed.

“Waxaan rajeyneynaa in baarlamaanka Soomaaliya uu fiiro gaar ah u yeesho xuquuqda aas-aasiga ah ee xoriyatul-qowlka oo lagu caddeeyay dastuurka Soomaaliya iyo heshiisyada caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee ay Somnalia ay horay u saxiixday,” ayay ITUC-Afrika kusoo gabgabeysay hadlakeeda.

Dhanka kale, wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa ka sheeagy shirkii golaha wasiirrada ee lagu ansixiyay sharcigan inuu yahay mid ku saleysan fikrado laga ururiyay warbaahinta Soomaaliya oo shir loog qabtay Muqdisho bishii Feberaayo ee sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya