4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2013
Hay'adda MSF oo shaacisay in la sii daayay Haween Shaqaalaheeda ka mid ahaa oo Afduub loogu haystay Soomaaliya


Jimco, July 19, 2013 (HOL) — Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa shaacisay in laba haween ah oo ka mid ahaa shaqaalaheeda una dhashay dalka Spain oo 21-bilood afduub ahaan loogu haystay Soomaaliya lasii daayay, laakiin lama sheegin in laga bixiyay madaxfurasho lacageed iyo in kale.

Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut oo da’doodu kala ahayd 40-jir iyo 30-jir ayaa waxay kooxo hubeysan waxay ka afduubeen Oktoobar 2011 xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, halkasoo ay ku jiraan in ka badan nus malyuun qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah.

“Xaaladda caafimaad ee Serra iyo Thiebaut way wanaagsan yihiin mana jirto wax dhib ah oo ay qabaan,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF.

Hay’adda ayaa u mahadcelisay intii ka qaybqaadatay sii dayntooda, iyadoo aan la sheegin kuwa ay yihiin, waxaana MSF ay intaas ku dartay in labada haweenka ah ay u muuqdeen kuwo hillow u qaba inay dib ula midoobaan qoysaskooda.

Kenya ayaa horay ugu eedeysay afduubka haweenkan Al-shabaab, inkastoo aysan ka hadlin kooxdan inay ka dambeysay afduubka haweenkaas, iyadoo sannadkii hore la sheegay in haweenkan lagu arkay degmada Afgooye oo ay xilligaas ka talinaysay Al-shabaab.

Afduubka Montserrat iyo Thiebaut ayaa waxaa qayb ka ahaayeen sababihii keenay in Kenya ay kumannaan askarteeda ah u dirto gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, inkastoo markii dambe ay ciidamadaas ka mid noqdeen kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada Kenya ayaa ka qabsaday Al-shabaab magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ahayd halka ugu weyn ee ay ka talinayeen iyo goobta ay ka heli jireen dhaqaalaha ay ku dagaalamayeen.

Bishii koowaad ee sannadkan ayay Al-shabaab toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan sirdoonka dalka Faransiiska, kaddib markii ciidamada Faransiiska ay isku dayeen inay xoog ku furtaan, balse howgalkaas uu noqday mid fashil ku dhammaaday.
Dhanka kale, xoogagga Al-shabaab ayaa waxay weli gacanta ku hayaan 10 ruux oo u dhashay dalka Kenya, iyadoo dowladda Kenya ay diiday inay kala xaajoogo sii daynta muwaadiniinteedaas, waxaana Al-shabaab ay ka talisaa deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya