4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2013
Kooxo hubeysan oo Maanta Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku dilay afar qof iyo Xaaladda Amni ee Suuqa oo kasoo daraysa

Khamiis, July 18, 2013 (HOL) — Gellinkii dambe ee maanta ayaa waxaa kooxo hubeysani ay ku toogteen gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha afar qof oo xirnaa dharka shacabka, iyadoo aan la ogeyn sababaha afartaas qof loo dilay.

Goobjoogayaal ku sugan suuqa ayaa warbaahinta u sheegay in afarta qof labo ka mid ah lagu dilay salaaddii casir kaddib suuqa Cabdalla Shideeye oo ah suuq lagu iibiyo qalabka electarooniga ah, iyadoo sidoo kale labada kale algu dilay suuqa Daawada.

“Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa dilalka geystay, wayna baxadeen lama oga inay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo in kale, dadka la dilayna waa kuwo xirnaa dharka caadiga ah,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Bakaaraha.

Suuqan oo ah midka ugu weyn Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ku yaalla saldhigyo ay ciidamada booliiska iyo kuwa nabadsugiddu ku leeyihiin, iyadoo tan iyo markii ay curatay bishan Ramadaan uu ammaanka suuqa faraha ka baxay.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii gudaha suuqa Bakaaraha lagula eegtay bam gaari ay leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo bamkaas ay ka dambeysay rasaas ay isweydaarsadeen rag hubeysan iyo ciidamadii ka badbaday qaraxa.

Sidoo kale, waxaa askari ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay maalin ka hor suuqa ariga lagu iibiyo ee isgoyska Bakaaraha, iyadoo aysan cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarradan.

Dilalkan qorsheysan ee suuqa ka dhacayay labadii toddobaad ee aan soo dhaafnay ayaa waxay gaarayaan illaa 11-qof oo isugu jira shacab iyo askar ak tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin falalka ka soo cusboonaaday suuqa bakaaraha oo laba sano ka hor laga saaray Al-shabaab oo awood badan ku lahayd.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya