4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2013
Golaha Wasiirada oo si buuxda u soo dhaweeyay heshiiskii ay dalka Turkiga ku kala saxiixdeen Somlia iyo Somaliland (SAWIRRO)


Khamiis, July 18, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta soo dhaweeyeen heshiiskii ay guddiyadii ka socday Soomaaliya iyo Somailand ay ku kala saxiixdeen toddobaadkii hore magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Kulankan oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa looga dooday qodobbo uu ka mid ahaa heshiiskan oo 10-kii bishan July ku dhex maray dawladda Soomaaliyeed iyo Somaliland magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxayna dood dheer iyo falan-qeyn kafdib  si buuxda u soo dhaweeyeen heshiiskaas.

“Heshiiskan waa talaabo loo qaaday dhanka dib u heshiisiinta iyo midnimada dalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon oo hadal ka jeediyay kulankii golaha wasiirrada ee maanta.

Heshiiskan ayaa lagu taageerayay heshiiskii bishiiMay ay dawladda Somalia kula soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya iyo qaabkii farsamo ee loo maareyn lahaa maamulka duulimaadyada hawada dalka.

Afhayeenka xukuumada, Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay kadidb shirka ayaa sheegay in sidoo kale laga hadlay ammaanka dalka oo uu sheegay in laga hadlay sidii loo xoojin lahaa iyo sidii loo fududeyn lahaa mushaaaraadka ciidamada qalabka sida, si kor loogu sii qaado sugida amniga dalka.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in golaha wasiirradu ay magacaabeen taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed iyadoo loo magacaabay Jeneraal Xuseen Xasan Cismaan oo horay u ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana soo jeedinta lahaa wasiirka garsoorka iyo cadaalada, Cabdullaahi Ebyan Nuur.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya