4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2013
Kulan Magaalada Baydhabo ku dhex-maray Saraakiisha Ciidamadii Itoobiya ee ka baxay Baydhabo iyo kuwa AMISOM

Khamiis, July 18, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee isaga baxay Baydhabo iyo kuwa AMISOM ayaa maanta kulan ay kaga hadleen xaaladaha ammaanka ee gobolka Bay ku yeeshay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo.

Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bay iyo xubno kale oo ka socday ciidamada Itoobiya iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa looga hadlay sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka guud ee Baydhabo, kaddib bixitaankii ciidamada Itoobiya.

“Ciidamada Itoobiya kama bixin dalka oo dhan, waxayna tegi doonaan meelo kale oo Soomaaliya ka tisran, si ay ula dagaalamaan Al-shabaab,” ayuu yiri Jen. Johnson oo ah sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Jeneraalka ayaa intaas ku daray in ciidamada Itoobiya ay Maanta si rasmi ah ugu wreejiyeen ammaanka Baydhabo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo maamulka iyo shacabka Baydhabo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay gacan ugu siin lahaayeen ciidamada sugidda amniga.

Sidoo kale, wuxuu sheegay sarkaalka in kulankan uu yahay mid sagootin ah oo loo sameeyay ciidamadii Itoobiya eek a baxay Baydhabo, isagoo xusay in ciidamada kale ee Itoobiya ay sii joogi doonaan gobollada kale ee Somalia ka tisran.

“Somalia kama baxayno inta ay cadowu ku sugan yihiin, howlgalladeennana waan sii xoojin doonnaa, inta dalka oo dhan aan ka cirib-tirayno Kooxda Al-shabaab,” ayuu Jen. Johanson ka sheegay kulankii maanta.

Dhanka kale, saraakiishii ciidamada Itoobiya ee kulanka ka hadlay ayaa ka sheegay inay diyaar u yihiin inay la wareegaan degmada Baydhabo ayna ka shaqeyn doonaan sidii ammaanka ay ku xaqiijin lahaayeen.

Mas’uuliyiin u hadlay maamulka gobolka Bay ee xilligiisu dhammaaday ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan in ciidamada AMISOM ay si rasmi ah ula wareegaan maanta gacan ku haynta Baydhabo, iyagoo sidoo kale u mahad-celiyay ciidamadii Itoobiya ee muddada labada sano ku dhow joogay halkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho Soomaaliya