4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2013
Maxkamadda Ciidamada Puntlnad oo Mar Labaad Xukunno ku ridday Lix qof oo ku eedeysan dilal ay ka geysteen Puntland

Khamiis, July 18, 2013 (HOL) — Maxkamadda sare ee maamulka Puntland ayaa mar kale xukunno dil ah ku ridday lix eedeysane oo afar ka mid ah ay ka maqan yihiin gacanta maamulka, halka labada kalena ay ku xiran yihiin xasbiga dhexe ee magaalada Garoowe.

Eedeysanayaashan oo la xukumay Arbacadii shalay ayaa la sheegay inuu ku jiro gacan ku dhiiglihii dilay Sheekh C/qaadir Gacmey, iyadoo xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Putland uu sheegay in eedeysanayaashan ay horay u soo xukuntay maxakamadda darajada koowaad ee Puntland.

“Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland waxay xukunno dil ah ku ridday lix qof oo ku eedeysan inay dilal geysteen, kuwaasoo laba mid ah ay gacanta ku hayso dowladda, halka afartii kalena ay baxsadeen, waxaana lagu xukumay dil toogasho oo kama dambeys ah,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada Puntland, C/Kariin Xasan Fidhiye.

Sidoo kale, Firdhiye wuxuu sheegay in eedeysanayaasha la xukumay horay loo siiyay rafcaan 30-maalmood ah uuna u dhammaaday, ayna ku ridday maxkamaddu xukunkii kama dambeysta ahaa, laguna fulin doono labada ruux ee gacanta lagu hayo.

“Raggan la xukumay waxaa lagu eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen dhowr qof oo dilay Puntland, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen, Sheekh Cabdulqaadir Gacmeey, C/llaahi Xuseen Dhaqane oo sarkaal booliis ahaa, C/llaahi Saalax Cali oo isaguna booliiska ka tirsanaa, C/qaadir Faarax Shire, Xirsi Jaamac Dhan-gad iyo Macallin Yuusuf Axmed Maxamed Geelle,” ayuu yiri Firdhiye.

Dhanka kale, xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in afarta ruux ee baxsaday lagu xukumay iyagana dil ah, laguna fulin doono marka lasoo qabto, laakiinse ma sheegin halka ay afartaas qof u baxsadeen iyo rajada ay ka qabaan inay dib u qabtaan.

Maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2011 ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay mas’uuliyiin ka tisran maamulka Puntland iyo culummo si weyn looga yaqaanno deegaannadaas iyo Soomaaliya inteeda kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho Soomaaliya