4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2013
Kooxo hubeysan oo toogasho ku dilay Haweeney Guddoomiye ku xigeen ka ahayd Degmada Yaaqshiid ee Muqdisho

Khamiis, July 18, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay fiidkii ku dilay degmada Yaaqshiid guddoomiye ku xigeenkii degmadaas oo ahayd haweeney lagu magacaabi jiray, Raxmo Daahir.

Dilkan oo aysan jirin cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa ayaa waxay xubno ka tirsan maamulka degmadaas ku eedeeyeen Al-shabaab, iyadoo howlgal lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay dilkaas uu ka socdo Yaaqshiid.

Haweeneydan ayaa lagu toogtay meel ku dhow isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid, iyadoo kooxihii weerarka geystay ay u suurogashay inay halkaas ka baxsadaan.

“Raxmo waxaa toogtay kooxo dhagar-qabayaal ah, mana jirin wax ilaalo ah oo la socday, dilkeedana waxaan ku eedeynaynaa Al-shabaab oo dhibaato ka geysata gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxyadiin Xasan Jurrus oo si kooban uga hadlay dilka ku xigeenkiisii ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii weerarkaas ka dambeeyay, lana soo taagi doono haddii la soo qabto sharciga.

“Baaritaano ayaa socda, waxaana rajeynaynaa in lasoo qabto, sharcigana la horgeeyo si abaalkooda looga waraabiyo,” ayuu yiri Jurrus oo aan sheegin cid weli dilkaas loo qabtay.

Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxay ka mid tahay goobaha ay inta badan ka dhacaan dilalka qorsheysan ee lala beegsado mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada dowladda.

Haweeneydan ayaa noqonaysa mas’uulkii ugu horreeyay oo ka tisran maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo sannadkan lagu dilo gudaha magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho Soomaaliya