4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2013
Gudiga doorashooyinka, Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda Somaliland oo ka hadlay Diiwaan-gelinta Doorashooyinka


Arbaco, July 17, 2013 (HOL) — Gudidda Doorashooyinka, xisbiyada Qaranka iyo xukuumadda oo maanta wada yeeshay kulan wada jir ah, ayaa kala saxeexday heshiish ku saabsan sidii dalka laga sameeyo Diiwaangelinta Muwaadinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha doorashooyinka dambe lagu galo.

Heshiishkan ayaa muddo la isku mari waayey, iyadoo dhawr jeer oo hore la isku afgaran waayey cida samaynaysa iyo qaabka loo samaynayo diiwaangelinta lagu galayo doorashoooyinka, haseyeeshee waxa maanta u suurtogashay guddida Doorashooyinka inay dhinacyadii khusaysay diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay isku afgartaan, isla markaana qodobada lagu heshiiyey loo diro dalalka iyo hay’adaha qaadhaanbixiyeyaasha ee Somaliland ka caawiya doorashooyinka.

Kulankan saddex geesoodka ahaa ee ay iskugu yimaadeen Xukuumadda, guddida Doorashooyinka iyo xisbiyada Qaranka ayaa isku afgartay qaabka loo samaynayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha si doorashooyinka dambe si xor oo xalaal ah u dhacaan.

Xukuumadda ayaa iyadu doonaysey inay samayso diiwaangelinta muwaadintiinta, haseyeeshee xisbiyada mucaaradka ayaa diiday in diiwaangelinta wasaarada arrimaha guduhu samaynayso lagu gali karin doorashooyinka, balse ay ka madax banaanaato xukuuumadda samaynta diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaana maanta la isku afgartay in diiwaangelinta muwaadiniinta iyo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha la sameeyo.

“Guddida doorashada, wasaarada arimaha gudaha iyo asxaabta qaranku waxay ka wada tashanaysay sidii loo samayn lahaa diiwaan gelin, dabadeedna waxa laysla waafaqay in diiwaan gelinta dadweynaha ee madaniga ah iyo tan codbixiyayaasha doorashooyinka aynu labadaba u baahan nahay, markaas qodobkii sheegayey arintaas ayaanu si wada jira u wada saxeexanaynaa”ayuu yidhi afhayeenka guddida doorashooyinka Somaliland Maxamed Xirsi Geelle oo ka hadlayey heshiishkan sadex geesoodka ah.

Sidoo kale heshiishkan waxa soo dhoweeyey saddexda Xisbi Qaranka, gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, Gudoomiyaha xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Cirro iyo gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxaanay sheegeen in loo baahan yahay in labadaasi diiwaanelinba la sameeyo.

“Halkan waxa ka muuqda in wada tashi buuxa ay yeesheen xisbiyadii qaranka, guddida doorashooyinka iyo wasaaradii arimaha gudaha , sida laga dhaawajiyey waxaanu halkan ku saxeexnay codsi qaranku u dhan yahay oo loo  gudbinayo deeq bixiyayaasha oo ah inay naga kaalmeeyaan diiwaan gelinta codbixiyayaasha iyo tan madaniga ah”ayuu yidhi gudoomiyaha wadani Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha xisbiga Muxaafadka ah ee kulmiye Muuse Biixi ayaa isna soo dhoweeyey heshiiskan ay wada gaadheen dhinacyadii ay khusaysay diiwaangelintu, waxaanu yidhi “Asxaabtii qaranka mucaarid iyo muxaafid, Komishankii iyo xukuumadii cod midaysan ayey caalamkii kula hadlayaan, doorashooyinka In wakhtiga la qabto waa sharci waanan ogolnahay, wixii xukuumada iyo xisbigan kulmiye ku aadana waa la dhamayn”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa taageeray heshiishkan waxaanu xukuumadda ka codsaday inay doorashada wakhtigii loogu tallogalay aanay dib uga dhicin.

Sidoo kale, wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancade oo dhinaca xukuumadda u saxeexay ayaa isna soo dhoweeyey qodobkan ay xisbiyada iyo gudida doorashooyinku ku heshiiyeen.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiyada mucaaradka ayaa hore u shaaciyey in aan doorasho dambe oo aan Diiwaangelin lahayn dalka ka dhici karin, maadaamaa oo doorashadii golaha deegaanka ee  bilaa diiwaangelinta lagu galay ay khalkal keentay, isla markaana la sheegay inay musuqmaasuq balaadhan ka dhacday taas oo keentay dhimasho iyo dhaawac nafeed.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland