4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2013
Xawaalada KAAH oo kafaalo qaaday quudinta Bukaannada ku jira Isbitaalka Qaaxadda (TB-da) ee Laascaanood (SAWIRRO)


Arbaco, July 17, 2013 (HOL) — Xawaaladda KAAH Express ayaa kafaalo qaadday quudinta bukaannada ku jira isbitaalka qaaxaddamagaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaddib markii ay adkaatay quudinta bukaannadaas.

Munaasabad lagu qabtay isbitaalka oo ay kasoo qayb-galeen shacabka ku nool magaalada qaybaheeda kala duwan ayaa waxaa halkaasi ka hadlay mas’uul ka socday Xawaaladda KAAH, Cawjad Cali Cade oo dusha u ritay quudinta dadka ku sugan isbitaalka TB-da ee magaalada Laascaanood.

Cawjad Cali ayaa ku dheeraaday sida ay ku timid deeqdan oo uu sheegay
inay kasoo gaartay bulshada iyo warbaahinta ayna go’aansadee inay ku quudiyaan bukaannada qaba cudurka qaaxada. Isagoo intaas ku daray inay
wax badan oo kale qaban doonaan sanadkan.

Guddoomiyaha jaamacadda Nugaal, Prof. Lafoole oo isaguna halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa xawaaladda KAAH uga mahadceliyay culayska ay ka kor qaadday bulshada reer Laascaanood; wuxuuna ku baaqay iskaashi agaasimaha isbitaalka TB-da, Dr. Cabdi Maxamed Buraale inay tani tahay qaylo-dhaantoodii ayna u mahad-celinayaan Xawaaladda KAAH.

Ugu dambeyn,Dr. Muuse Geele oo munaasabadda ka hadlay ayaa isagana sheegay mahadcelin ka sokow in Xawaaladaha kale ee dalka ka jira ay ku daydaan Xawaaladda KAAH ayna buuxiyaan kaalintooda kaga aaddan sidii ay u caawin lahaayeen bulshadooda.

Xawaaladda KAAH oo ka mid ah xawaaladaha ugu jeebka liita Somalia ayaa dadka badankii kusoo jeedisey inay aragti midaysan ku eegaan xawaaladaha kale ee dalka ka jira, gaar ahaan kuwa dhaqalaaha badan haysta.



Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool