4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2013
Hal qof ayaa ku dhintay 10 qof oo kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo

Arbaco, July 17, 2013(HOL) :- Hal qof  ayaa ku dhintay 10 kalena waxa kasoo gaaray dhaawacyo kadib markii gaari nooca UD-ga loo yaqaan uu ku rogmaday xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo.

Shilkan ayaa yimid kadib markii gaari nooca UD-ga ah oo ay saarnaayeen dad badan ay isku dhaceen gaari kale, waxaana arintaasi sababtay in uu rogmado gaadiidkaasi, taasoo keentay in ay waxyeelo kasoo gaarto dadkii saarnaa.

Hal qof ayaa isla goobta ku dhintay, waxaana dhaawacyada 10 qof oo kale la geeyay isbitalka guud ee magaalada Kismaayo halkaasoo lagu daweeynayo.

Mid kamid ah kalkaaliyaasha isbitalka weyn ee magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo Cagmadhige oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isbitalka lasoo gaarsiiyay ilaa 10 qof oo dhaawac ah iyo meydka hal qof oo kale, wuxuuna xusay in ay socdaan dadaallo lagu daweynayo dadkaasi.

Dhaawacyadandadka ku waxyeeloobay shilka ayaa isugu jira kuwa fudud iyo qaar kale oo halis ah, waxaana dhaqaatiirta isbitalka ay wadaan dadaallo ay doonayaan in ay ku badbaadiyaan dadka ku waxyeeloobay shilka.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo magaalada Kismaayo uu ka dhacao shil gaari oo ceynkan oo kale ah, haseyeeshee shilkani ayaa kamid noqonaya shilalka ugu qasaaraha badan ee ka dhaca magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya