4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 17, 2013
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Magaalada Addis Ababa Kulammo kula qaatay Mas'uuliyiin ka tirsan Itoobiya

Arbaco, July 17, 2013(HOL) :- Wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi oo shalay gelinkii danbe gaaray dalka Itoobiya ayaa waxa uu kulamo la qaatay madax ka tirsan dowladda Itoobiya kuwaasoo uu kala hadlay arimo ku saabsan iskaashiga labada dal.

Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay shalay gelinkii danbe gaareen magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya.

Wasiirka gaashaandhigga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu kulamo uu la qaatay dhigiisa dalka Itoobiya iyo taliyaha ciidamada Militariga dalkaasi, isagoona xusay in ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin iskaashaga labada dal ee dhanka ammaanka iyo ladagaalanka waxa uu ugu yeeray argagixisada.

Masuulkan ayaa sheegay in masuuliyiintii uu la kulmay ay isku afgarteen sidii loo sameyn lahaa hannaan cusub oo ay labada dal isaga kaashan doonaan dhinacyada nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in uu la kulmi doono ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Haile-mariam Desigln, islamarkaana uu kala hadli doono arimo ku saabsan xiriirka labada dal, isagoona itnaa ku daray in sidoo kale uu u gudbin doono fariin uu uga wado madaxweeynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud.

Safarika uu masuulkan ku tagay dalka Itoobiya ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Itoobiya ay bilowday in ay Soomaaliya kala baxdo ciidamadeeda,  iyadoona dhawaan ay gobolka Bay isaga baxeen guud ahaan ciidamadii ka socday dalka Itoobiya ee mudada dheer ku sugnaa, waxaana ammaanka goobihii ay ka baxeen la wareegay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya