4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2013
Dowladda Kenya oo sheegtay in ciidankeeda aysan kala baxayn Soomaaliya illaa ay deggenaasho buuxda kaga soo laabato

Talaado, July 16, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya oo iska fogeysa eeddii loosoo jeediyay ciidamadooda qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay sii joogaan Soomaaliya illaa inta dalka uu ka noqonayo mid xasilloon.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dalbatay in ciidamada ka socda Kenya laga bedelo halka ay ku sugan yihiin, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay ka qaybqaateen dagaallo bishii hore ka dhacay Kismaayo, kuwaasoo dhinacyo iska soo horjeeda u dhexeeyay.

“Ammaanka Kenya wuxuu ku xiran yahay kan Soomaaliya, sidaa daraadeed ciidamadeenu kama baxayaan Soomaaliya inta ay ka noqonayso dal amni uu ka jiro,” ayuu yiri Zaddock Syong’oh oo ah la-taliye dhinaca siyaasadda ah oo ka tisran wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Sidoo kale, Syong’oh wuxuu sheegay in Kenya ay xoogga saarayso sidii ay u noqon lahaayeen deegaannada Jubbooyinka kuwo xasilloon, halkaasoo ahayd goobaha laga soo abaabulo weerarrada lagu soo qaado Kenya. “Tani waxay ka mid tahay qorshaha Qaran ee sugidda ammaanka Kenya,” ayuu ku yiri hadalkiisa.

Ciidamada Kenya ayaa soo galay gudaha Soomaaliya Oktoobar 2011 xilligaa oo ay sheegtay inay la dagaalamayso Al-shabaab oo ay ku eedeysay falal ka dhan ah ammaanka Kenya, inkastoo ay markii dambe ku biirreen howgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Kenya ayaa iska fogeysay inay taageerto u fidiso dhinac ka mid ah kuwii ku dagaalamay magaalada Kismaayo, waxaana uu sarkaalka u hadlay Kenya yiri: “Kenya ma jirto cid ay taageero gooni ah siisay.”

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa 09-kii Abriil snnadkan wuxuu sheeegay in nabad ka dhalata Soomaaliya ay dan ugu jirto dalalka gobolka oo dhan, isla markaana ay ka go’an tahay ciidamadooda qaybta ka ah kuwa AMISOM inay ka shaqeeyaan sidii nabadda Soomaaliya loosoo celin lahaa.

Guddiga la socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa wrbixin ay soo saareen toddobaadkan waxay ku sheegeen in ciidamada Kenya ay gacan ka geystaan dhoofinta dhuxusha ee magaalada Kismaayo, taasoo ay Kenya iska fogeysay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya