4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2013
Siminaar looga hadlayay sidii looga gudbi lahaa Qabyaalada oo Maanta lagu Qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)



Talaado, July 16, 2013 (HOL) — Siminaar looga hadlay sidii ay haweenku ay uga qaybqaadan lahaayeen ka gudubka qabyaalada iyo horumarinta amniga ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaha hay'adda CCD, Ciise Axmed Cumar iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Siminnaarka oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda wada-hadalka bulshada ayaa qayb ka ah kulammada wacyi-gelinta ah ee ay ku qabanayso xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo ka qayb-galayaashii siminnaarkan ay soo bandhigeen sida ay diyaarka ugu yihiin inay qayb ka qaataan ka gudubka qabyaaladda oo dhibaatooyin badan u geystay Soomaalida.

Ugu horreyn, waxaa siminaarka ka hadlay guddoomiye ku xigeenka gobolka banaadir ee dhinaca ammaanka, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo ku ammaanay hay'adda CCD barnaamijyada ay u qabato bulshada iyo howlaha wax-ku-oolka ah ee ay uga qayb-qaadato dowladnimada.

"Haweenka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inay ka qayb-qaataan sidii looga gudbi lahaa qabyaaladda ayna shacabka u celiyaan sidii ay beri hore ahaan jireen, lana soo celiyo midnimada Soomaaliya. Waayo haweenku waa kuwo door muhiim ah ku leh bulshada dhexdeeda. “ ayuu yiri Joodax.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab oo ka hadashay iyaduna siminaarka ayaa sheegay sheegtay in qabayaaladdu ay si xun u dilootay Soomaalida, loona baahan yahay in si wadajir ah looga hor-tago, waxayna sidoo kale xustay in amni-darradu ay qayb ka tahay dhibka ka jira Soomaaliya.

"Annaga waxaa na helay cudur la yiraahdo qabiil, waxaa noogu soo biiray amni-darro, waxaan rabnaa inaan sameyno waddo aan uga gudubno labada cudur ee halista ah. Haweenka Soomaaliyed waxaa ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan in qabiilka laga gudbo, lana adkeeyo ammaanka," ayay tiri Jawaahir Baarqab.

Guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Canab Xasan Cilmi oo iyaduna ka hadashay siminnaarka ayaa sheegay in dareenka ay qabaan haweenka Soomaaliyeed ay tahay la dagaalanka qabyaaladda iyo sidii haweenku ay isaga kaashan ahaayeen qabyaaladda.

Sidoo kale, guddoomiyaha haweenka CCD, Sahro Maxamed oo iyadana hadashay ayaa xustay in qabyaaladdu ay dib u dhac ku ridday Soomaaliyeed 22-kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo ku tilmaantay caqabadda keliya ee Soomaaliya dibka ku ah.

Agaasimaha wacyi-gelinta ee wasaaradda adeegga bulshada, Cadar Cali oo ka hadashay iyaduna sheegtay in loo baahan yahay in laga sameeyo dalka, min guri, deriseyn, illaa degmo, iyadoo uga mahad-celisay sida hay'adda CCD u garab ugu tahay haweenka Soomaaliyeed.

Intii siminnaarku socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan iyo heeso ka hadlaysay dhibaatada ay leedahay qabyaaladda, waxaana fannaanadda Muslima Qaasim Hilowle ay ku luuqeysay heeso wadani ah iyo kuwa looga hadlayay dhibaatada uu leeyahay qabiilka.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya