4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2013
Maxkamadda Ciidamada ee Puntland oo dil ku Xukuntay Eedeysaneyaal loo Qabtay Dilkii Sheekh Cabdulqaadir Gacamey


Talaado, July 16, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta go'aan ka gaartey rafcaan ay qaateen eedeysaneyaal horay dil loogu xukumay. Eedeysaneyaashan ayaa loo qabtay dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo sanadkan horraantiisii lagu toogtey masjid ku yaalla magaalada Garoowe.

Eedeysaneyaashan ayaa kala ah: Cabdiraxman Xuseen Jaamac Bile – oo isagu ku eedeysnaa dilka sheekha- iyo Cabdulaahi Cismaan Axmed oo isna la sheegay in uu qayb weyn ka qaatay dilka sheekha.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda C/kariim Xasan Firdhiye oo maanta war-baahinta la hadlay, ayaa sheegay in wakhtigii ay maxkamaddu labadaas eedeysane fursadda u siisay in ay rafcaanka ku qaataan uu ka dhamaaday.

Isagoo intaas raaciyey in natiijada rafcaankoodu ay noqotay mid aan wax qiimo ah yeelan, sidaas darteedna ay maxkamaddu si rasmi ah ugu taagan tahay go'aankii ay horay u gaartey ee ahaa in labadaas eedeysane ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Sidoo kale waxuu sheegay xeer ilaaliyaha maxkmadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, in go'aankaas mid lamid ay maxkamaddu ka qaadatay 5-qof oo kale oo iyaguna ku eedeysnaa in ay gacan weyn ka geysteen dilkii Sheekh C/qaadir Gacamey.

Bishii Febaraayo ee lasoo dhaafay 15-keedii ayey ahayd markii AHN Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo kamid ahaa culimada waaweyn ee dalka lagu toogtey masjidka Beder ee magaalada Garoowe.

Dad goobta uu dilku ka dhacay ka ag dhowaa ayaa xilligaas ku guuleystey in ay gacanta ku dhigaan Cabdiraxman Xuseen Jaamac Bile - oo la sheegay in isagu uu sheekha toogtey- iyo Cabdulaahi Cismaan Axmed oo isaga oo baxsad ay ay ciidamada Somaliland ku qabteen magaalada Laas-caanood, kuna soo wareejiyeen Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya