4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2013
Dagaal Gobolka Shabeellada Hoose ku dhexmaray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo ciidammo Madani ah

Talaado, July 16, 2013 (HOL) — Ugu yarana afar ruux ayaa ku dhintay kuwo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal u dhexeeyay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ciidammo madani ah oo sugayay amniga deegaanno u dhexeeya degmada Afgooye iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay in uu yahay mid aad looga xumaado, laguna dilay sarkaal ka tisran ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ciidamadii madaniga ahaa.

“Dagaalka wuxuu ka dhashay weerar ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku qaadeen ciidammo madani ah oo iskood isku maamulay si ay burcadda uga celiyaan deegaannadooda, waxaana halkaas ku dhintay laba xidigle ka tirsan ciidamada dowladda,” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu xusay in dagaalkaas uu ka dhacay tuulooyin u dhexeeya degmooyinka Afgooye iyo Awdheegle oo ay ka mid yihiin Sabiid, Baladul-amiin, Mareereey, Caanoole iyo Raqayley.

“Ciidamada madaniga ah ee la weeraray waxay ahaayeen kuwo iskood isku abaabulay, intii abaalmarin la siin lahaa ayaa weerar lagu qaaday, waana arrin aad looga xumaado,” ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, sarkaal u hadlay milateriga dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in dagaalku ka dhashay weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaannada u dhexeeya Afgooye iyo Awdheegle.

“Saldghi ay ciidamada milateriga dowladdu ku leeyihiin deegaannadaas ayaa lasoo weeraray, waxaana halkaas ku dilnay laba ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday,” ayuu yiri sarkaalka oo sheegay inay kala eryeen kooxihii kusoo qaaday weerarka.

Xaaladda deegaannadii lagu dagaalamay ayaa hadda deggen iyadoo ay kuwada sugan ciidamadii uu dagaalku dhexmaray, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya