4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2013
AMISOM oo sheegtay inay ka go’an tahay xaqiijnta ammaanka shacabka ku nool Xarunta Jubbada Hoose ee Kismaayo


Talaado, July 16, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay inay waddo qorshe ay ku doonayso sidii xasillooni loogu soo dabaali lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaddib dagaallo dhowr jeer oo hore ku dhexmaray dhincyo iska soo horjeeda.

Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in ciidamadooda ay wadaan qorshayaal ay dib ugu xasilinayaan magaalada Kismaayo, isagoo xusay in qorshahan uu qayb ka yahay sidii lagu xaqiijin lahaa amniga dadka ku nool magaaladaas iyo hantidooda.

“Waxaa ka go’an AMISOM inay xaqiijiso ammaanka shacabka Kismaayo ku nool, taasna waa waajibkeena aan halkan u joogto, dowladana waxaan ka codsanaynaa inay kaalinteeda ka qaadato nabadeynta Kismaayo,” ayuu yiri Col. Xumad.

Sidoo kale, afhayeenka oo aan soo hadal qaadin ciidamadooda Kismaayo ku sugan ee ka socda dalka Kenya oo dowladu ay cabasho ka muujisay howsha ay halkaas ka hayaan, ayaa haddana sheegay in go’aankooda uu yahay inay ka shaqeeyaan sidii shacabka Kismaayo ay u heli lahaayeen nabadgelyo iyo horumar.

“AMISOM waxay jeceshahay inay ilaaliso nabadda shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kismaayo iyo agagaarkeeda, waxaana mar walba u taagan nahay sidii aan ugu hiilin lahayn shacabka Soomaaliyeed ee walaalaheena ah,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Magaalada Kismaayo oo ay ku dagaalameen hoggaamiyeyaal isku haysta madaxnimada maamulka Jubbaland ayaa waxaa hadda gacanta ku haya xoogag ka amarqaata Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo xubnihii laga saaray magaaldaas qaarkoodna ay joogaan Muqdisho.

Hadalka Col. Xumad ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhawaan dacwad ka dhan ah ciidamada Kenya u dirtay ururka Midowga Afrika inkastoo aan weli wax jawaab ah laga bixin warqadda cabshadaha ee dowalddu ay dirtay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya