4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2013
Weerarada Burcadbadeedda Soomaalida oo gaaray meeshii ugu hooseysay tan iyo Markii ay Howlgalladooda billaabeen


Talaado, July 16, 2013 (HOL) — Weerarradii burcadbadeedda Soomaalida ay ka geysan jireen xeebaha Soomaaliya iyo kuwa gacanka cadan ayaa gaaray heerkii ugu horreesay tan iyo sannadkii 2006 markaasoo ahayd markii ay billaabeen howlahooda afduubyada.

Hay’adda la socodka badaha calaamka ee IMB oo xarunteedu tahay Kuala Lumpur ee xarunta dalka Malaysia ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in sannadkan 2013 ay dhaceen sideed weerar oo keliya, kuwaasoo laba ka mid ah maraakiibtii la weeraray lagu afduubtay.

Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay in hoos u dhacan uu sabab u yahay iyadoo maraakiibta ganacsiga ee caalamka ay qaarkood qaateen ilaalo gaar u ah si ay uga difaacaan kooxaha burcadbadeedda haddii ay soo weeraraan.

“Maraakiibta ku sugan xeebaha Soomaaliya ee la dagaalanka burcadbadeeda iyaguna kaalin weyn ayay ka qaateen sidii hoos loogu dhigi lahaa weerarrada ay geystaan burcadbadeedda,” ayuu yiri madaxa IMB, Pottengal Mukundan.

IMB waxay sheegtay in labadii markab ee ay burcadbadeeddu afduubeen laga furtay ka hor intii aysan la aadin dhinaca xeebaha Soomaaliya oo ay ku leeyihiin saldhigyo ay maraakiibta ku haystaan.

Ugu dambeyn, hay’addu waxay ku sheegtay warbixin ay soo saartay 30-kii bishii Juun ee sannadkan in burcadbadeedda Soomaalida ay madax-furasho u haystaan 57-badmaax iyo afar markab oo ay sannado ka hor afduubeen.

Werarrada kooxaha burcadbadeedda ah ay ka geysanayaan xeebaha dalka Soomaaliya iyo kuwa ku dhow ayaa waxay ahaayeen kuwo si xowli ah uga dhici jiray badweynta Hindiya iyo badda Cas, balse howlgalka NATO ee la dagaalanka burcadbadeedda ay u muuqda inuu hakad geliyay weerarradaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya