4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2013
Maxkamadda Dambiyada Caalamiga oo Gaashaanka u daruurtay codsi kaga yimid Madaxweyne ku xigeenka Kenya


Talaado, July 16, 2013 (HOL) — Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa diiday codsi uga yimid madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto oo ahayd in dhageysiga dacwaddiisa loosoo wareejiyo Afrika oo ay ka dhacdo gudaha Kenya ama dalka ay dariska yihiin ee Tanzania.

Ruto ayaa sheegay in qorshihiisa uu yahay inuu xilkiisa guto inta ay socoto dacwaddiisa, iyadoo madaxweynaha Kenya uu codsi kaas la mid ah horay ugu jeediyay maxkamadda ICC, balse ma jirto wax jawaab ah oo ay weli maxkamaddu ka bixisay.

Warbixin ay maxkamaddu soo saartay ay ku sheegtay in sababta ay u diiday in maxkamadeynta William Ruto loosoo wareejiyo Afrika ay tahay iyadoo ka baqdin qabta in dhibaatooyin kale loo geysto dhibbanayaashii horay dhibku u gaartay iyo dhibaato soo gaarta dadka ku marqaati kacaya Ruto.

Rabshado ka dhashay doorashooyinkii madaxnimo ee Kenya ka dhacay 2007 ayaa waxay sababeen dhimashada in ka badan 1,000 qof, iyadoo dacwadda arrintan loo haysto madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ku xigeenkiisa iyo wariye Kenyan.

Maxkmadda ayaa sheegtay in Ruto looga baahan yahay in inta ay socdaan dacwooyinkiisa uu joogo maxkamadda, waxaana sidoo kale maxkamaddu ay diidday in khadka taleefoonka la iska arko uu uga qaybgalo dacwaddiisa isagoo ku sugan dalka Kenya.

Uhuru Kenyatta iyo William Ruto ayaa ka kala tirsanaa sannadkii 2007 laba xisbi oo iska soo horjeeda, balse doorashadii dhacday bishii saddexaad ee sannadkan ayaa waxay ka tirsanaayeen hal isbahaysi oo xulufo ah, waxayna ku guuleysteen doorashadii madaxnimo iyagoo noqday hoggaanka Kenya uug sarreeya.

Midowga Afrika ayaa isku dayay dhawaan inuu cadaadis ku saaro ICC inay baabi’iso dacwooyinka loo haysto Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Ruto, iyadoo ururka uu ku eedeeyay maxkamadda inay tahay mid ku dhisan cunsuriyad oo eeganaysa madaxda Afrika oo keliya.

Balse maxkamadda dambiyada caalamiga ah ayaa eedeymahaas ku gacan sayrtay, waxayna sheegtay inay tahay maxkamad dhexdhexaad ah oo u gudanaysa xilkeeda hab ku dhisan cadaalad.

Dhageysiga dacwooyinka loo haysto madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa ayaa waxay dhacayaan dabayaaqada sannadkan, iyadoo aan la ogeyn go’aanka kama dambeysta ah ee ay maxkamaddu ka qaadanayso dacwooyinkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya