4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2013
Soomaali ku nool Mareykanka oo Dibadbax ka hor dhigay Safaaradda Kenya ay ku leedahay Magaalada Washington DC

Talaado, July 16, 2013 (HOL) — Boqolaal Somali ah oo ku nool Mareykanka ayaa shalay dibadbax ka dhigay illinka hore ee safaarada dowladda Kenya ay ku leedahay magaalada Washington DC ee xarunta dalka Mareykanka, kaas oo ay kaga cabanayeen dhibaatooyinka ay sheegeen in ciidamada Kenya ay ka geysteen gudaha Soomaaliya.

Didbadbaxayaasha oo isaga yimid gobollo badan oo Mareykanka ah ayaa ku qaylinayay erayo ay kaga soo horjeedaan Kenya, iyagoo sidoo kale watay boorar ay ku qornaayeen erayo ay ku sheegayaan in ciidamada Kenya ee ka ka tirsan AMISOM ay xasuuq ka geysteen Kismaayo.

“Waxaan halkaan u joognaa inaan muujinno dareenkeenna ku aaddan sida aan uga careysannahay dhibaatooyinka ay ciidamada Kenya ay ku hayaan shcabka Soomaaliya iyo inaan caalamka intiisa kale tusno inaanan raalli ka ahayn dhibaatada ay Kenya ku hayso shacabka Soomaaliyeed,” ayay tiri Canab Cabdi Warsame oo ka mid ahayd dadkii dibadbaxaas ka qaybqaadanayay.

Sidoo kale, dibadbaxayaasha ayaa ku boorriyay dowladda Soomaaliya inay ka shaqeyso sidii ay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay uga bixi lahaayeen dalka Soomaaliya, maadaama ay dhibaatooyin ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

“Kenya markii ay Soomaaliya dagaallada ka dhaceen dad badan ayay soo dhaweysay, balse xilliyadii dambe Kenya waxay isku bedeshay inay dhibaato ka abuuraan gudaha dalkeenna, taas ayaana keentay inaan codsanno inay ka baxaan dalkeenna,” ayay tiri Bilan Cali oo ka mid ahayd Sooamalida ka yimid gobolka Minnesota xilli ay la hadlaysay VOA-da.

Bannaabaxayaasha ayaa waxay qaadayeen heeso ay ka mid yihiin kuwii la qaaday xilligii xorriyadda dalka Soomaaliya uu qaatay iyo kuwo kale oo ay ku muujinayaan in Soomaaliya ay tahay dal xor ah oo awood u leh inuu isku tashado.

“Dowladda Soomaaliya waxaa laga aqoonsaday caalamka oo dhan, waxaan ka codsanaynaa inay arrintan wax ka qabato ayna ciidamada Kenya  dalka ka saarto, maadaama ay noqdeen kuwo dhibaatooyin hurinaya,” ayuu yiri Faarax Xareed oo ka mid ahaa dibadbaxayaashii ka yimid gobolka Ohio.

Safaaradda Kenya ay ku leedahay Washington ayaan wax jawaab ah ka bixin cabashada bannaanabaxayaasha Soomalida ah ee ku aaddan dhibaatooyinka ay ciidamadooda ka geysteen gudaha Soomaaliya, iyadoo tani ay imaanayso xilli ay dowladda Soomaaliya warqad ay ciidamada Kenya kaga cabanayso u dirtay ururka Midowga Afrika.

Dibadbaxayaasha oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa waxay kala yimaadeen gobollo ay ka mid yihiin: Minnesota, Ohio, Main, Maryland iyo kuwo kale oo fara badan, waana dibadbaxii ugu horreeyay oo Soomaalida Mareykanka ay ka dhigaan safaaradda Mareykanka uu ku leedahay dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya