4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2013
U qeybsanaha Safaaradda Soomaaliyeed ee Dhanka Ganacsiga ayaa shalay ka qeybgashay Bandhig Ganacsi ay soo abaabushay Wasaaradda Warshadaha Dowladda Sudan (SAWIRRO)


Isniin, July 15, 2013(HOL)—Wasaaradda Warshadaha Dowladda  Sudan oo kaashaneysa Midowga Rugta Warshadaha ayaa shalay soo bandhigtay wax soosaarka Warshadahooda, iyadoo ay kasoo qeyb galeen bandhigaasi Wakiilada  dhanka Ganacsiga ee Safaaradaha Wadamada Caalamka ay ku leeyihiin Dalka Suudaan.

 

Bandhiggan Ganacsi ee ay sameysay Wasaaradda Warshadaha Sudan ayaa waxaa ka qeybqaatay Boqol iyo Konton Shirkadood oo Maxalli ah , kuwaasoo soo bandhigay waxyaabaha ay soo saaraan shirkadahooda sida Warshadda Soosaarta Sonkorta, Burta, Caanaha, Cabitaaka, Yaanyo ShiiShiid , Saliida, Suufka, Kabaha, Lacagta, Gawaarida iyo kuwa kale.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa Bandhigaasi uga Qeybgalay Marwo Suusaan Xirsi Faarax oo ah Uqeybsanaha dhanka Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan iyo Uqeybsanaha Dhanka Waxbarashada, hidaha iyo Tacliinta Mudane C/qaadir Maxamuud Cali (Guulane).

 

Uqeybsanaha dhanka Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Marwo Suusaan Xirsi Faarax oo Saxaafadda la hadashay kadib markii uu soo idlaaday Bandhigaas ayaa sheegtay in Dowladda Sudan ay ku talaabsatay Horumar aan horey loogu arag Wadamada Afrika , waxayna tusaale usoo qaadatay Warshada Sonkorta oo soo saartay Noocyada kala gedisan sida Sonkor Caddaan, Gaduud iyo  wixii la mid ah.

 


Intaas kaddib waxay sheegtay in Wasiirka Warshada Dowladda Sudan uu horey ugu ballanqaaday in ay Tababar u furi doonaan Walaalahooda Soomaaliyeed , ama khubaro ay soomaaliya u diri doonaan oo halkaasi Tababaro ku bixin bixiya.

 

Ugu dambeyn waxay hambalyo ku aaddan Curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan u dirtay Madaxda ugu sareysa ee dowladda , iyadoo si gaar ah u xustay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Xasan oo ay u rajeysay Nabad iyo Barwaaqo ay ku gaaraan soonkan Soonkiisa kale.




 

C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab)

[email protected]

Khartuum – Suudaan