4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2013
Ciidamada Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo oo iska diiday eedeyntii ay u soo jeediyeen Guddiga Qaramada Midoobay

Isniin, July 15, 2013 (HOL) — Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ayaa iska fogeeyay eedeyn ay guddiga la socodka Soomaaliya iyo Eritrea maalin ka hor soo saareen, taasoo ay ku sheegeen in ciidamada Kenya ay gacan ku siiyaan maamulka Axmed Madoobe dhoofinta dhuxusha.

Sarkaal u hadlay ciidamada Kenya oo lagu magacaabo Bongita Ongeri ayaa u sheegay Telefishin ay xaruntiisu tahay Nairobi in ka ganacsiga iyo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya aysan ahayn mid u taalla ciidamada Kenya.

“Ujeeddada ay ciidamada Kenya u galeen gudaha Soomaaliya waa in laga joojiyo Al-shabab dhoofinta dhuxusha oo ay dhaqaale badan ka heli jireen, iyagoo xilligaas ka talinayaya magaalada Kismaayo. Howshaas ayayna weli ku taagan yihiin ciidamadeenna,” ayuu yiri Ongeri.

Afhayeenku wuxuu sheegay in baaristan ay sameyeen guddiga Qarmaada Midoobay ay tahay mid aan xaqiijo ahayn oo laga soo xigtay ilo hal dhinac ah, isagoo xusay in ciidamadooda aysan howshoodu ahayn inay dhoofinta dhuxusha ilaaliyaan.

“Shaqadeennu waa sugidda ammaanka iyo nabad kusoo dabaalidda dalka, run ahaantiina ciidamadeennu shaqadaas si wanaagsan ayay u qabtaan. Annagu shaqadeennu ma ahan dhoofinta dhuxusha iyo ilaalinteeda,” ayuu sarkaalkan ku daray hadlakiisa.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii Feberaayo 2012 ka mamnuucday Soomaaliya dhoofinta dhuxusha, si Al-shabaab looga jaro lacago badan oo ay sheegtay inay ka helaan dhoofinta dhuxusha.

Hase yeesheen warbixin ay soo saareen maalin ka hor guddi u xilsaaran la socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ay gacan ku siiyaan maamulka Sheekh Axmed Madoobe dhoofinta dhuxusha.

Guddigu waxay sheegeen in dhoofinta dhuxushaas laga helo lacago badan, waxaana eedeyntan ay imaanaysaa iyadoo dowladda Somalia ay dhawaan ku eedeysay ciidamada Kenya inay mas’uul ka ahaayeen dagaalladii ka dhacay dhawaan magaalada Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya