4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2013
Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhab ee Kenay oo Aragtiyo kala duwan ka bixiyay dib u celintooda


Isniin, July 15, 2013 (HOL) — Dalka Kenya waxaa ku sugan hal milyan oo qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo intooda badan ay ku nool yihiin xeryaha qoxootiga Dhadhaab oo ku yaalla soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa ku nool qoxooti ka cararay colaadaha iyo abaaraha ragaadiyay Soomaaliya 22-kii sano ee lasoo dhaafay, kuwaasoo qaar ka mid ah halkaas ku dhashay haddana ilmo ku dhalay.

“Ma garanayn meel nabadoon oo Soomaaliya ka mid ah oo dib naloogu celin karo,” ayuu yiri Cabdi Carte oo ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Kenya, isagoo intaas ku daray: “Sidoo kale ma garanayo in dowlada Soomaaliya ay diyaarisa goob la dajiyo qoxootiga iyo in kale.”

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay bishii lasoo dhaafay in qoxooti tiradoodu gaarayso 600,000 oo qof oo ku nool Kenya dib loogu celiyo Soomaaliya, kaddib marka la qabto shirweyne yabooh loogu raadinayo dib u celinta qoxootigaas, kaasoo ka dhacaya Nairobi.

Tallaabadan ay qaadatay dowladda Kenya ayaa ka dhalatay kaddib markii ay ku eedeysay qoxootiga inay qayb ka yihiin rabshadaha dalkaas ka dhacayay labadii sano ee ugu dambeeyay, iyadoo sannadkii hore amar ku siisay in ka badan 300,000 oo Soomaali ah oo ku noolaa magaalooyinka waaweyn inay aadaan xeryaha Qoxootiga.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay milateriga Kenya inay ula dhaqmeen Soomaalida qoxootiga ku ah xaafadda Islii ee Nairobi si ka duwan sida sharciga ah, ayna u geysteen kufsi, dhac iyo xarig aan kala sooc lahayn.

“Xilligan ma ahan xilli ku habboon in dib loogu laabto Soomaaliya,” ayuu yiri Ibraahim Rooble oo ka mid ah dhallinyarada ku nool xerada Dhagaxley oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab, isagoo xeradaas galay xilli uu aad u yaraa.

Ibraahim oo sii hadlay ayaa yiri: “Inteenna badan qoxootiga halkaan ku jira waxaan qabnaa in Soomaaliya aysan weli ahayn goob xasillooni ay ka jirto oo lagu laaban karo. Sidaa daraadeed waxaan doonaynaa inaan halkan sii joogto inta dalkeennu uu ka dagayo.”

Qaar ka mid ah qoxootiga Soomaalida ayaa iyagu soo dhaweeyay in dib loogu celiyo dalkooda, kuwaasoo sheegay inay dhibaatooyin badan kala kulmeen xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya.

“Waxaan doonayaa inaan dalkeyga ku laabto,” ayay tiri Aamino Yuusuf oo ku noolayd xerada IFO II oo ka mid ah xeryaha ku yaalla Dhadhaab, balse cabsi awgeed uga carartay. Iyadoo hadalkeeda ku dartay: “Waxaan  ka baqay in la igu kufsado xerada, taasaana keentay inaan ka baxsado.”

Soomaalida qoxootiga ku ah dalka Kenya ayaa waxay sidoo kale sheegayaa in weli Al-shabaab ay ka taliso deegaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah ayna taasi caqabad weyn ku tahay dib u laabashadooda.

“Ma awoodi karno inaan nafteenna dab ku tuurno, waxaa habboon inaan marka hore ogaanno qorshaha ay xukuumadda Soomaaliya inoo hayso,” ayuu yiri Maxamed Cadde oo ka mid ah qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya. Isgaoo intaas ku daray.”Ma fahmi karo arrintan ujeeddada laga leeyahay, waayo ma ahan waqtigii ku habboonaan in qoxootiga dib loo celiyo.”

Inkastoo qoxootiga Somaalida ah ee ku jira xeryaha qoxootiga ee Kenya ku yaalla oo ah kuwa weyn dunida ayaa haddana xukuumadda Kenya waxaa si aad ah uga go’an inay dib u celiso qoxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku nool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya