4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2013
Madaxweynaha Puntland oo Sheegay in la Joojiyay Doorashadii Golayaasha Deegaanka oo lagu waday inay berri Dhacdo


Axad, July 14, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/rxmaan Maxamed Faroole ayaa ku dhawaaqay in la joojiyey doorashadii goleyaasha deegaanka oo maalinta berri ah qorshuhu ahaa in ay ka qabsoomto dhammaan gobollada Puntland.

C/raxmaan Faroole oo shir-jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada ee Garoowe, ayaa sheegay in kaddib la tashi badan oo uu la sameeyey ku-xigeenkiisa Jen. C/samed Cali Shire, Gudoomiyaha Baarlamaanka C/rashiid Maxamed Xirsi , Golaha Wasiirrada iyo Guddiga Doorashooyinka iyo kan nabad gelyada uu go'aan ku gaarey in uu joojiyo doorashadii goleyaasha deegaanka ee Puntland ka qabsoomi lahayd maalinta berri ah.

Shirka jaraa'id ee uu madaxweynuhu qabtay oo ahaa mid kooban, islamarkaana aysan war-baahintu fursad u helin in ay wax su'aalo ah weydiiso, waxa kale oo uu ka sheegay in sababta go'aankaas loo qaatay ay tahay; in la dhowro nabadgelyada iyo midnimada dadka Puntland.

Dr. Faroole wuxuu intaas raaciyey in xukuumadda Puntland aysan marna ka laaban doonin go'aankeedii ahaa in nidaamka maamul ee Puntland loo raro habka Dimuqraadiga, islamarkaana ay dalka ka qabsoomaan doorashooyin xor ah oo lagu galo nidaamka axsaabta badan.

"Waxay dowladdu dadka u ballan-qaadaysaa inay weli ku taagan tahay mowqifkeeda ahaa sidii loo hormarinlahaa nidaamka doorashooyinka iyo axsaabta badan, doorashada-na la qaban doono wakhtiga ku habboon, inshallah" Madaxweyne Faroole ayaa yiri.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa'id ka sheegay in ay jiraan kooxo isugu jira qas-wadeyaal iyo argagixiso - waa sida uu hadalka u dhigaye- kuwaasoo isu soo baheystey sidii ay xilliga doorashada Puntland khalkhal siyaasadeed uga abuuri lahaayeen, taasina ay tahay sababta ugu weyn ee doorashada loo hakiyey, maadaama ay dowladda mas'uuliyadi ka saaran tahay ilaalinta ammaanka iyo kala danbeynta.

Hadalka madaxweynaha oo soo baxay goor dhow, wuxuu kusoo aadayaa xilli saaka dagaal khasaare nafeed geystey uu magaalada Qardho ku dhex maray ciidamada Puntland iyo kooxo hubeysan oo taabacsan mucaaradka ku kacsan xukuumadda madaxweyne Faroole.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya