4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2013
AFHAYEENKA AL-SHABAAB: “Weerarkii Muqdisho waxaan ku dilnay taliye ku xigeenkii Ciidamada Uganda iyo Saraakiil kale”


Axad, July 14, 2013 (HOL) — Afhayeenka guud ee Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ka hadlay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay inay ku dileen taliye ku xigeenkii ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM, ayna dhaawac ugu geysteen madaxii hay’adda CIA-da ee Bariga Afrika.

Sheekh Cali Dheere oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ay ku beegsanayeen sarkaalka ugu sarreya sirdoonka Mareykanka ee Bariga Afrika oo uu magaciisa ku sheegay, Gray Schroen, uuna weerarka fuliyay dagaalyahan ka tirsan kooxdooda.

“Weerarkii Muqdisho ka dhacay Jimcihii waxaa lagu dilay saraakiil badan oo u dhashay dalka Uganda oo uu ka mid ahaa abaanduulihii ciidamadaas iyo saddex saraakiisha u dhashay dalka Uganda, sidoo kale waxaa si xun loogu dhaawacay taliyihii sirdoonka Mareykanka ee Bariga Afrika iyo laba sarkaal oo ilaalo u ahaa,” ayuu Sheekh Cali Dheere ku sheegay shirka jaraa’id.

Afhayeenka Al-shabaab wuxuu hadalkiisa ku daray in hadafkii ay ka lahaayeen weerarkaas ay gaareen, ayna sii wadi doonaan weerarrada noocas oo kale ah ee ay ku beegsanayaan saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa ajnabiga ah ee dalka ku sugan.

“Gray Schroen wuxuu horay xasuuq uga geystay dalalka Afgaanistaan iyo Bakistaan, haddana waxaa loosoo wareejiyay inuu ka howlgalo bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, Afhayeenka Al-shabaab wuxuu sheegay in sarkaalkan ay Jimcihii beegsadeen uu bedelay sarkaal ay bishii December ee sannadkii hore weerar ismiidaamin ah kula beegsadeen jidka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Muqdisho ka dhacay ayaa waxay sheegeen in khasaare xooggan ay kasoo gaartay dad shacab ah, balse aysan jirin wax dhibaato ah oo kasoo gaartay ciidamadii AMISOM.

Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in laba askartooda ka tirsan oo gaariga la qarxiyay la socday ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen, sidoo kalena uu khasaare kasoo gaaray gaarigii la beegsaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya