4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2013
Iska-horimaad khasaare geystey oo Qardho ka dhacay kaddib, markii saaka la gaarsiiyay Sanaadiiqda Doorashada Puntland


Axad, July 14, 2013 (HOL) —Iyadoo berri deegaanada Puntland oo dhan looga dareeri doono doorashada goleyaasha deegaanka - oo ah tii ugu horeysey ee nooceeda ah ee Puntland ka dhacda- ayaa maanta magaalada Qardho waxaa ka dhacay israsaaseyn xooggan oo u dhexeysey ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda qabsoomidda doorashada iyo geeddi socodka Dimuqraadiyadda ee Puntland.

Israsaaseynta ayaa bilaabatay kaddib markii ay saaka magaalada Qardho soo gaareen labo gaari oo sidey sanaadiiqdii codbixinta. Kooxo hubeysan oo taabacsan mucaaradka ayaa rasaas oodda uga qaaday labadaas gaari, waxayna ku guuleysteen in ay la wareegaan mid kamid ah.

Gaariga kale oo ay ciidamadu si xoog ah kusoo gudbiyeen, waxaa la geeyey saldhigga dhexe ee degmada Qardho, halkaas oo ay xilligan ciidamo aad u tira badani ku gadaaman yihiin. Ciidamada ayaa sidoo kale ilaalo xooggan ka haya xarumaha waaweyn ee dowladda sida: madaxtooyada, xarunta maamulka gobolka, xarunta dowladda hoose iyo xabsiga weyn.

Ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey 3-qof oo ka tirsan dhinacyadii uu iska hor imaadku dhex maray ayaa geeriyoodey, waxaa sidoo kale isbitaalka lasoo gaarsiiyey 2-qof oo kale oo dhaawac ah -sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka weyn ee Qardho.

Iska hor imaadka oo socdey muddo saacad ka badan ayaa hakiyey isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana xilligan magaalada inteeda badan -marka laga reebo xarumaha dowladda- ku sugan kooxaha hubeysan ee taabacsan mucaaradka.

Magaalooyinka Qardho iyo Gaalkacayo waxay kamid yihiin magaalooyinka ay ku xooggan yihiin kooxaha mucaaradka ee dhaliila xukuumadda xilligan ka arimisa Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole iyo geedi socodka Dimuqraadiyadda ee Puntland ka socda.

Waxayna arintani kusoo aadeysaa 11-beri kaddib markii sidan oo kale magaalada Gaalkacayo uu iska hor imaad khasaare nafeed oo badan geystey ugu dhex maray ciidamada Puntland iyo kooxo hubeysan oo kasoo horjeeday ololaha doorashada goleyaasha deegaanka.

Xaaladda magaalada Qardho ayaa weli ah mid kacsan, wixii warar ah oo kasoo kordha faah faahintooda dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaalilya