4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2013
Madaxweynaha Somalia oo la kulmay guddi loo xulay diyaarinta Qodobbada la Hor-geynayo Shirka ka dhacaya Brussels


Sabti, July 13, 2013 (HOL) —  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa  maanta xafiiskiisa kula kulmay guddiga loo saaray inay soo diyaariyaan qodobbada la hordhigayo shirka lagu qabanayo September 16-keeda magaalada Brussels ee xarunta Belgium.

Kulanka ayaa waxa goobjoog ka ahaa wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta, Maxamud Xasan Suleebaan iyo wasiir-u-dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Mahdi Maxamud Cali iyo xubnaha guddiga New Deal.

Madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa guddiga kula dar-daarmay sidii qorshaha qaban-qaabada shirka 16-ka September uu u noqon lahaa mid heer sare ah oo dhammaan dukumentiyada la horgeynayo shirka ay noqdaan kuwa lagala tashtay shacabka Soomaaliyeed.

“Waa in isbedel dhab ah uu noqdaa mid ka muuqda hab-dhaqanka dowliga ah ee maanta aan heysanno; waana in qorshayaasha la idiin xil-saaray ay noqdaan kuwa si aad ah loogala tashto shacabka Soomaaliyeed si la isugu abaaulo shirka ka dhacaya Brussels uuna u noqdo mid guuleysta," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Shirka lagu qabanayo Belgium ayaa ah mid looga hadlayo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib u dhiska dalka, waxaana shirkan guddomin doona madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Catherin Ashton oo Midowga Yurub u qaabilsa arrimaha siyaasadda.

“Qorshaha COMPACT oo aad diyaarinaysaan waa inaad si taxadar leh uga fikirtaan oo dhammaan hay’adaha dowliga ah ay idin kala qeybqaataan, si qorshaha la gudbinayo uu u noqdo mid la jaanqaadi kara baahida shacabka Soomaaliyeed. Bacdamaa dib-u-dhiska dalka uu u baahan yahay uu aad iyo aad u tiro badan yahay haddana waa in shacabka lagala tashtaa dhammaan waxyaabaha ay rabaan in mudnaanta la siiyo, iyadoo la fiiriinayo duruufaha ka jira gobollada dalka qaarkood. Guddiga waa inuu si joogta ah shacabka iu wargeliyaa si ay ula socdaan horumarka guddiga iyo qabanqaabada shirka Brussels oo shacabka Soomaaliyeed ay si aad ah u sugayaan,” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda iyo qorsheyna Somalia oo guddiga madax ka ah ayaa u ballan-qaaday madaxweynaha inay dadaalayaan oo qorsheyaasha qaarkood ay diyaar yihiin, isla markaana dib-u-habeyn lagu sameeyay hay’adihii kala duwana ee maaliyadda si shacabka iyo caalamkuba ay kalsooni buuxda ugu qabaan habka loo maareynayo dhaqaalaha dib-u-dhiska dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya