4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2013
Xukuumadda Kenya oo sheegtay inay adkeynayso Ammaanka Soohdinta ay la wadeegto Dalalka Somaaliya iyo Itoobiya

Sabti, July 13, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inay xadka ay la wadaagto Soomaaliya iyo Itoobiya xoojinayso, iyadoo sheegtay inay ka soo galaan hubka sharci-darrada ah ee ay isticmaalaan kooxaha xag-jiriinta ah ee dalkeeda weerarrada ka geysta.

Xoghayaha waasaradda arrimaha gudaha ee Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa ugu sheegay wariyeyaasha magaalada Nairobi in soohdimaha Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin kuwa ay kasoo galaan hubka sharci-darrada ah.

“Soohdimaha aan la wadaagno dalalka dariska ah ee Somalia iyo Itoobiya waa kuwo ay kasoo galaan hubka loo isticmaalo dagaallada beelaha iyo kuwa ay isticmaalaan kooxaha argagaxisada ah ama lagu geysto dambiyada kale,” ayuu yiri Lenku oo ka hadlay xaflad ay dowladda Britain ku siinaysay Kenya qalab casri ah oo loo isticmaalo ilaalinta xuduudaha.

Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in Kenya ay sii wadi doono iskaashi ay EU-da la leeyihiin, sidoo kalena ay sii socon doonaan xiriirka kala dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Wuxuu xusay in dalkiisu uu ilaalinta xadka u adeegsan doono qalab cusub oo sheegaya cidda soo galaysa.

“Waxaan doonaynaa in Kenya aan kusoo dabaalno ammaan buuxa si ay u helaan dadka dalxiisayaasha ah amni ay ku tegi karaan meeshii ay dalka ka doonaan,” ayuu hadalkiisa raaciyay Lenku, isagoo xusay in cid walba oo lagu soo qabto xuduudaha la marsiin doono sharci adag.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay inay la dagaalami doonaan dhallinta ka ganacsada qamriga la farsameeyay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inay ka shaqeyn doonaan sidii suuqyada looga joojin lahaa ganacsiga qamrigaas.

Qalabka lagu adkeynayo xuduudaha dalka Kenya ayaa waxaa ku kacaya 600,000 oo giniga Ingiriiska ah, sida ay sheegtay safaaradda Britain ee dalka Kenya.

Kenya ayaa waxay tan iyo sannadkii 2011 ka cabanaysay weerarro gaadmo ah oo ay Al-shabaab ka geysato gudaha dalkeeda, iyadoo ay taas ay jirto ayaa waxaa haddana dalkaas ku xoogeystay dagaallada qabiilka ku saleysan oo intooda badan ka dhaca deegaannada ku dhow xuduudaha ay la wadaagto Soomaaliya iyo Itoobiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya