4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2013
Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia oo Markii ugu Horreysay safar ku tagay Xarunta Puntland ee Garoowe


Sabti, July 13, 2013 (HOL) — Ergeygga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay (SRSG), Nicholas Kay ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, taasoo ahayd booqashadii ugu horreysay ee Kay uu ku tago Puntland oo ka mid ah maamullada dalka ka jira ee taageersan dowladda Soomaailya.

Kay ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaas, isagoo kala hadlay howlgalka cusub ee Qaramada Midoobay oo la billaabay 03-dii Juun ee sannadkan.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta booqdo Puntland oo aan la kulmo madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole. Puntland waxay kaalin weyn ka qaadatay dadaalkii loo galay dhammeynta xilligii KMG ahaa ee Soomaaliya, waxaana ku han-weynnahay inay sii waddo qaybta wanaagsan ee ay ka qaadato taageeridda marxaladda ka dambeysa KMG iyo nabadaynta,” ayuu yiri Nicholas Kay.

Ergaygu wuxuu maamulka iyo shacabka Puntland uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxriisee Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse oo Qardho lagu aasay toddobaadkii lasoo dhaafay.

Mr. Kay ayaa madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Faroole u sharraxay howlaha xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, kaasoo uu sheegay in howshiisu ay tahay in la taageero dhisidda iyo tayada Qaranka Soomaaliyeed, nabadda, maamul wanaagga, di-bu-habaynta amniga, ku dhaqanka sharciga iyo sidoo kale  xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu sheegay in howshooda ay ka mid tahay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen dhexdhexaadinta iyo dib-u-heshiisiin siyaasadeed ee gargaarka caalamiga ah ee Soomaaliya ay hesho dunida.

Wafdiga ergayga intii ay booqashada ku joogeen Puntland waxay maamulka Puntland ku wareejin doonaan xafiisyada UNDP u dhistay Xeer-ilaaliyaha guud iyo guddiga garsoorka Puntland, iyadoo mashruucan uu qayb ka ahaa mashaariicda loogu fududeynayo maamulka cadaaladda. 

Ergayga, wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa inta uu ku sugan yahay Puntland guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas, bulshada rayidka ah iyo guddiga KMG ah ee doorashooyoinka Puntland. Isagoo sheegay inuu rajeyanyo inay doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland ay noqdaan kuwo si nabad ah ku dhaca.

“Hannaanka dimuqraadiyadda Puntland waa muhiim. mar walba waxaa jira wax dheeraad ah oo loo baahan yahay in la barto. Xafiiska UNSOM ee Garoowe wuxuu maamulka iyo bulshada rayidka kala shaqeyn doonaa dhammaan arrimaha la xiriira waajibkeenna iyo xilka naloo ig-maday”, ayuu Key hadalkiisa kusoo gabgabeeyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya