4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2013
WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA: “Wadahadalladii lagu Qabtay Turkiga waxay ahaayeen kuwo lagu Qancinayay Somaliland”


Sabti, July 13, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in wadahadalladii dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ku dhexmaray dalka Turkiga ay ahaayeen kuwo lagu qancinayo Somaliland.

C/kariin Guuleed oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa sheegay in wadahadalladu ay kasoo baxeen saddex qodob oo uu ugu muhiinsanaa mid ku saabsan maamulka hawada Soomaaliya, taasoo guddi gaar ah loo saaray.

“Wadahadalladii ka dhacay Turkiga waxay ahaayeen kuwo lagu qancinayo Somaliland si ay qayb uga qaataan midnimada Soomaaliya, waxaana kasoo baxay saddex qodob oo midkood uu ku saabsanaa maamulka hawada dalka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in guddiyo ka socda labada dhinac ay u saareen kasoo shaqeynta sidii lagu maamuli lahaa hawada Soomaaliya oo ay dhawaan dowladda Soomaaliya kala wareegtay Qarmada Midoobay.

“Guddiyo labada dhinac ka kooban ayaa loo saaray sidii ay uga soo shaqeyn lahaayeen habka lagu maamulayo hawada Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka oo aan sheegin halka uu saldhiggoodu noqonayo guddiga, inkastoo warkii ka soo baxay shirka lagu sheegay in guddigaas uu saldhiggiisu noqon doono Hargeysa.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in wadahadlladu ay ahaayeen kuwo aad u adag, balse dhankooda ay garteen inay ku qanciyaan Somaliland si ay uga qaybqaataan midnimada Soomaaliya. Isagoo xusay inay mar kale isku arki doonaan dalka Turkiga.

“Qodoobbadii la isku mari waayay waxaan u dib dhignay shirka soo socda oo ka dhici doona Turkiga 120 maalmood kaddib. Waxaana rajeynaynaa inay ka soo baxaan shirkaas qodobbo wax ku ool ah,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Maamulka Somaliland oo horay ugu dhawaaqay inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale ayaa si aad ah u soo dhaweeyay qodobka maamulka hawada ku saabsanaa, iyagoo sheegay in qodobkan uu wax ka bedeli doono go’aankii ay horay u gaartay Somaliland ee ku saabsan maamulka hawada Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya