4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 12, 2013
Ergadii shirkii Kismaayo oo Muddada u kordhiyay Madaxweynaha Jubbaland si uu Maamulka u dhameystiro (SAWIRRO)



Jimco, July 12, 2013(HOL) :- Shir maanta ka dhacay xarunta jaamacadda Kismaayo islamarkaana ay goobjoog ka ahaayeen madaxda ugu sareeysa maamulka Jubbaland iyo ergadii soo dhistay maamulka ayaa waqti kordhin loogu sameeyay madaxweeynaha maamulka si uu u soo dhameystiro qeybaha ka dhisman maamulka.

Madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn ka warbixiyay wadahadalladii u dhexeeyay dowladda iyo maamulka Jubbaland, wuxuuna sheegay in wadahadalladaasi ay marayaan meel wanaagsan, isagoona  xusay in ay ka rajo qabaan in dowladda Soomaaliya ay aqoonsato maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Masuulkan ayaa intaa kadib ergadii soo dhistay maamulka ka codsaday in waqti kordhin loo sameeyo madaxweeynaha si uu usoo dhameystiro qeybaha ka dhiman maamulka, wuxuuna codsaday in mudo 30 maalmood ah loo kordhiyo, isagoona sheegay in dib u dhacan uu sabab u yahay wadahadallo u soconayo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland iyo weliba madaxweeynaha maamulka oo safar ku maqan.

Dastuurka maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxa ku xusan in madaxweeynaha maamulka uu mudo 30 maalmood gudahooda ah uu kusoo dhameystiro dhismaha maamulka, haseyeeshee arintaasi ayaa waxa ku yimid dib u dhac, waxaana 13-ka bishii June ee aynu kasoo gudubnay ay masuuliyiinta maamulka ka codsadeen ergadii shirka in waqti kordhin loo sameeyo, waxaana loogu daray mudo 27 maalmood oo ku ekeyd maanta.

Madaxweeyne ku xigeenka ayaa goobta ka sheegay in caqabado badan ay soo wajaheen maamulka, balse wuxuu xusay in caqabadahaasi intoodi badnayd lagu guuleystay, isagoona carabka ku adkeeyay in maamulka Jubbaland uusan ahayn mid gooni isu taag ah balse uu hoos tagayo dowladda federaalka Soomaaliaya, wuxuuna intaa ku daray in uu aad usoo dhawaanayo isfahanka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Ergadii shirka ayaa si gacan taag ah waxay ku  ogolaadeen waqti kordhinta mudada 30-ka maalmood ee dheeriga ah ee laga codsaday, waxaana intaas kadib madaxweeyne ku xigeenku uu ergada u gudbiyay codsi kale oo ahaa in tirada baarlamanka oo sida dastuurka ku xusan ahayd 65 xildhibaan in loogu kordhiyo ilaa 10 xildhibaan kale oo dheeri ah, tiro kordhintaas oo madaxweeyne ku xigeenku sheegay in ay uga gon leeyihiin in ay ku xalliyaan wixii cabasho ah ee ka yimaada beelaha dega gobollada Jubooyinka ee ku aadan habka loo qeybinayo xildhibaanada.

Ergada ayaa markale si gacan taag ah ku ogolaatay tiro kordhinta baarlamanka ee laga codsaday, waxaana intaasi kadib goobta ka hadlay salaadiin, ugaasyo  iyo nabadoonno, kuwaasoo ka codsaday masuuliyiinta maamulka in mudada la siiyay ay kusoo dhameystiraan dhismaha labada gole ee maamulka Jubbaland.

15-ka bishii May ee aynu kasoo gudubnay ayay ahayd markii xarunta jaamacadda magaalada Kismaayo ay ka dhacday doorashadii madaxweeynaha maamulka Jubbaland, taasoo uu ku guuleystay gudoomiyihii hore ee ururka Raaskaambooni Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).






Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.