4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 11, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo Mushaaraad u Qeybisay Ciidanka Dowladda ee ku sugan Deegaanno ka Tirsan Gobolka Gedo

Khamiis, July 11, 2013(HOL) :- Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay dowladda Soomaaliya ay mushaaraad u qeybineysay ciidamada dowladda ee ku sugan qeybo ka tirsan gobollada dalka ayaa waxaa maanta lacagahoodii mushaaraadka la gudoonsiiyay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo.

Ciidamada ku sugan gobolka Gedo ayaa waxaa lacagooda mushaaraadka gudoonsiinayay Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ee gobollada Jubooyinka Col. Cabbaas Ibraahim Gureey.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Kijiko oo qadka teleefonka ugu waramay HOL ayaa sheegay in maanta ay soo gabagabeeyeen mushaar qeybin ay ka wadeen gobolka Gedo, wuxuuna inta ku daray in dowladda Soomaaliya ay u ballan qaaday in ay joogteyn doonto mushaaraadka ciidamada.

Masuulkan oo kamid ahaa wafdi isugu jiray saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin oo dhawaan magaalada Muqdisho kula soo kulmay madaxda ugu sareeysa ee dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegay in dowladda ay u gudbiyeen dhibaatooyinka ka jira gobolka Gedo islamarkaana ay dowladdu ballanqaaday in ay gacan ka geysan doonto daboolidda baahida shacabka iyo ciidamada ku sugan gobolka Gedo.

“Wasiirka arimaha gudaha ayaa kamid ahaa masuuliyiinta aan la kulannay, waxaan kala hadalnay xaaladda bulshada iyo baahida wadanka ka jirta iyo weliba sidii ay dowladda wax ugu qaban lahayd shacabka iyo ciidamada ku sugan gobolka Gedo, dowladuna way naga aqbashay, waxayna ballan qaaday in ay joogteeyn doonto mushaaraadka ciidamada,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in ciidamada ay aad ugu farxeen lacagaha mushaaraadka ee loo qeybiyay, wuxuuna xusay in ay niyad dhis u noqon doonto islamarkaana ay laba jibaari doonaan howlaha ay ka hayaan gobolka Gedo.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Mudane C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi oo dhawaan warbaahinta ka hadlay ayaa sheegay in hadda wixii ka danbeeyo ay dowladda joogteyn doonto mushaar siinta ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya