4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 10, 2013
Madaxda Soomaaliya oo Shacabka uga baaqay inay ka Faa’iideystaan bisha Ramdaan; Allena ay ka baryaan Nabad

Arbaco, July 10, 2013 (HOL) — Madaxda Soomaalida ayaa shacabka ugu baaqay inay ka faa’iideystaan bisha barakceysan ee Ramadaan iyagoo ka codsaday inay Alle ka baryaan in dalkooda uu noqdo mid deggenaasho taam ah hela.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay bisha Ramadaan ayaa sheegay inay tahay bil uu khayr badan ka buuxo shacbkana looga baahan yahay inay ka faa’iideystaan, isku naxariistana isna cariyaan.

“Bisha Ramadaan waa cibaado sannadkiiba mar timaadda, waxaana looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan inay ka faa’iideystaan. Allena ka baryaan in dalkooda uu noqdo mid xasilloon oo la mid ah kuwa caalamka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay shacabku inay is caawiyaan inta lagu jiro bishan, wuxuuna si gaar ah uga dalbaday ganacsatada inay ka geystaan gacan caawinta dadka masaakiinta ah gaar ahaan barakacayaasha.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari oo la hadlay dhankiida shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay bishan khayrka ku jira ka faa’iideystaan, isagoo tujaarta ugu baaqay inay caawiyaan dadka aan awoodda u lahayn inay afur helaan.

“Turjaarta waxaa la yiraadaan kuwa naxariista ay ku jirto, balse ka faa’iida dhiigga dadka tujaar lama yiraahdo, sidaa daraadeed waxaan tujaarta ku caanka ah naxariista ka codsanayaa inay caawiyaan barakacayaasha iyo cid walba oo aan awoodi karin inay afur helaan,” ayuu yiri Jawaari.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo isna ka hadlay bisha Ramadaan ayaa sheegay in bisha Ramadaan ay tahay bishii Qur’aanka, raxmadda, sadqaddda, is-cafinta iyo is-caawinta, sidaa daraadeedna qof walba looga baahan yahay inuu khayrkaas fara badan ee ku jira bishan uu ka faa’iideysto.

“Shacabka wax baxsan kara waxaan ugu baaqaynaa inay caawiyaan dadka aan heli karin waxay ku afuraan iyo masaakiibta. Dhammaan ummaddana waxaan ka dalbnayaan inay is-cafaiyaan iskuna naxariistaan ayna noqdaan kuwo walaalo ah oo is kaalmeysta,” ayuu ra’iisul waasaruhu ku yiri hadalkiisa.

Hadallada madaxda Soomaaliya kasoo baxay ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadoo maanta oo Arbaco ah ay bilatay bishii barakeysnayd ee Ramadaan oo guud ahaan Soomaaliya isku mar laga soomay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya