4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2013
Axmed Madoobe oo eedeyn kulul u Jeediyay Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo oo qayb ka ah howlgalka AMISOM


Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Sheekh Axmed Madoobe Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan dalka Itoobiya ayaa eedeyn u jeediyay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah kuwa AMISOM, isagoo sheegay inuu wadahadallo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa beeniyay in ciidamada Kenya ay ciidamadiisa ka dagaalamayay Kismaayo gacan ku siiyeen dagaalka, wuxuuna sheegay in ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan ay ku fiirsadeen dagaalka.

“Ciidamada Kenya aniga ayaa eedeynaya iska daa inay ciidamadeyda gacan ku siiyeen dagaalladii ka dhacay Kismaayo, waxaana ku eedeynayaa inay nagu fiirsadeen dagaal aan kula jirno cadow ay Al-shabaab ka mid tahay,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe oo la hadlayay warbaahinta Soomaalida.

Hoggaamiyaha Raaskambooni ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay markii hore heshiis ku ahaayeen in lala dagaalamo Al-shabaab iyo wax walba oo cadow ah, balse dagaalladii Kismaayo ka dhacay ay ku fiirsadeen.

“Waxaan qabaa in dib loo eego qaabka ay ku joogaan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM, waayo waxay ka baxeen ballantii aan soo wada-galnay taasoo ahayd inay ka qaybgalaan dagaallada looga horjeedo qolyaha cadowga ah,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay diideen inay howgallada lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro Jubbooyinka ay si cad oo toos ah uga soo horjeesteen, taasna ay tahay sababta ugu weyn ee eedeynta uu ugu jeedinayo.

Dhanka kale, hoggaamiyahan wuxuu sheegay inuu Addis Ababa kulan kula yeeshay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayna isku af-garteen in la furo wadahadal wax walba oo khilaaf ah oo jirana la dhameeyo.

“Xubnaha dowladda ka tirsan ee aan la kulmay, waxaana isla garanayn in la sii wado wadahadallada oo khilaafka jira la dhameeyo, balse anigu hadda ma oranayo heshiiskaas ayaan wada-gaarnay, waan been wararka meelaha lala marayo ee ah inaan heshiinnay innaga iyo dowladda Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe.

Eedeynta uu Sheekh Axmed Madoobe u jeediyay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah kuwa AMISOM ee Midowga Afirka ayaa waxay imaanaysaa iyadoo ay jireen warar sheegaya in ciidamadaas oo ku sugan Kismaayo ay dagaalladii ka dhacay Kismaayo ka qaybgaleen.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM horay ugu eedeysay inaysan dhexdhexaad ka ahayn dagaalladii ka Kismaayo ka dhacayay, waxayna codsatay in lagu bedelo ciidammo kale oo ka mid ah kuwa AMISOM ee dalka ku sugan.

Ugu dambeyn, Sheekh Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay ciidamadiisa la wareegay gacan ku haynta magaalada Kismaayo inay ammaanka sugaan, isagoo ka gaabsady inuu ka hadlo khasaarihii ka dhashay dagaalladii magaaladaas ka dhacay kuna gaabsaday inuu ka dhashay khasaare fara badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya