4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 1 , 2013
Munaasabad lagu weynaynayay 53-guuradii xorriyada Soomaaliya oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, July 01, 2013 (HOL) — Munaasabad ay ka qaybgaleen madaxda sare-sare ee dowladda Soomaaliya oo lagu maamuusayay sannad-guuradii 53-aad ee kasoo wareegtay markii ay gobollada Koonfureed ee Somalia ka xoroobeen gurmeysigii Talyaaniga iyo midowgii labada gobol ayaa waxaa  xalay lagu qabtay Muqdisho.

Xuskan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa wasiirro, xildhibanno iyo wafdi ka socday dalka Jabuuti, iyadoo fannaaniinta kala duwan ee Qaranka ay kusoo bandhigeen halkaas heeso ka tarjumaya xorriyadda iyo dhibkii loo soo maray, kuwasoo ay si weyn ugu riyaaqeen dadkii kasoo qaybgalay oo dhan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ku hadlayay magaca guddiga qaban-qaabada munaasabadda ayaa kasoo qaybgalayaashii uga mahadceliyay kasoo qaybgalkooda xafladda, isagoo ka sheegay halkaas inay muddo laba toddobaad ah ku howlanaayeen qaban-qaabada xuskan iyo kii ka horreeyay ee 26-ka Juun.

Cabdi Xaaji Goob-doon oo ka mid ahaa dadkii joogay markii xorriyadda dalka laga qaadanayay gumeysigii Talyaaniga ahna khabiir saxaafadeed oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in xorriyadda dalka, isagoo xusay inay hormuud u ahaayeen xoriyadda dhallinyaro waddaniyiin ah oo diidanaa hagar-daamooyinka gumeystaha.

Guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo isaguna ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in sida munaasabaddan ay muujinayso sida ay Soomaalidu guud ahaan uga go’an tahay inay xornimadooda muujiyaan, balse la doonayo in la difaaco.

Wasiirka owqaafta, diinta iyo dhaqanka jamhuuriyadda Jabuuti, Aadan Xasan Aadan (Bebelo) ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Jabuuti ay garab-taagnaan doonaan shafcabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda si ay uga caawiyaan dib u dhiska iyo nabadeynta dalkooda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo isaguna ka hadlay munaasabadda ayaa ugu horreyn uga mahad-celiyey gudiggii soo abaabulay munaasabadda, isagoo sidoo kale hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Runtii gobonimada iyo midnimada Somalia maanta maalin ay ka wanaagsan tahay ma jirto, waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed xusuusiyo inay ku timid xorriyadda midnimo ay Soomaalidu muujiyeen, sidaa daraadeed waxaan doonayaa inaan shacabka Soomaaliyeed xusuusiyo in dowldda keliya aysan ku halayn sugidda ammaanka ee lawada difaacdo,” ayuu yiri Saacid.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu dambeyn ka hadlay munaasabadda ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay sida qiimaha leh ee munaasabadda loosoo qaban-qaabiyay wuxuuna shacbka Soomaaliyeed ugu baaqay inay xoojiyaan midnimadooda iyo xorriyadooda.

“Waxaan rabaa inaan qof kasta oo Soomaali ah oo adduunka ku nool inuu u shaqo guri u qaato hal su’aal taasoo ah ‘Qof walba oo Soomaaliyeedoow maxaad ogoshahay inaad bixiso si aan u helno dowladnio buuxo? Illeen inta aan dunida ku nool nahay dowladnimo ayaa keeni karta inaan cisi iyo sharaf ku noolaanno,” ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray inuu hambalyo guud u dirayo shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

Markii la gaaray 12:00 habeenimo ee saqda dhexe ayaa ciidamada xoogga dalka waxay saareen calanka jamhuuriyadda Soomaaliya ee buluugga ah oo dhexda ku leh xiddigta shanta gees leh, iyadoo halkaas lagu garaacay astaanta calanka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, munaasabado la mid ah tii xalay ayaa waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ka qayb-galayaan madaxda dowladda Soomaaliya sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya