4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 9 , 2013
COL. CISMAAN DUBBAD: Ammaanka Magaalada Beledweyne wuxuu si aad ah uga wanaagsan yahay sidii hore”

Arbaco, Jannaayo 09, 2013 (HOL) — Kaddib kulan saraakiisha ciidamada Jabuuti AMISOM ay la qaateen mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo odayaasha dhaqanka magaalada Baladweyne ayaa waxaa leysku weydaarsaday macluumaad iyo aragtiyo ku saabsan isbadalka dhinaca nabad-galyada ah ee ka jira waqtigan magaalada iyo wada shaqeyn buuxda oo ay yeeshaan odayaasha iyo saraakiisha AMISOM.

Col. Cismaan Dubad Sugulle oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti ee magaalada Baladweyne oo markii uu soo dhamaaday kulanka warbaahinta la hadllayay, ayaa sheegay in la wada qiray dhinacyadii kulanka ka qeyb-galay oo dhan isbadalka dhinaca amaanka ah ee ka jira Baladweyne tan iyo markii ay ka howlgaleen ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

“Odayaasha iyo dhinacyadii  ka qeyb-galay kulanka waxaa ay si wada jir ah u qireen in isbadal uu jiro, runtiina wax badan ayaa laga qabtay amaanka, waxaana leysla gartay sidii halka ay hadda wax marayaan looga sii anba-qaadi lahaa,’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada Jabuuti.

Waxaa uu sheegay Col Cismaan Dubad in bulshada ku dhaqan magaalada Baladweyne dhamaantood ka marag-kacayaan howsha iyo juhdiga badan ee la galiyay sidii loo soo celin lahaa amniga magaalada, madaama ay meesha ka baxeen arrimo badan oo markii hore qal qal ku ahaa nabad-galyada.

“Waxaa yaraad ama meesha ka baxay dilalkii qorsheysnaa, qaraxyadii dhici jiray, iyo isbaarooyinkii kooxaha hubeysan ku qaadan jireen lacagta, waxaas oo dhan meesha ayeey ka baxeen, si wanaagsanna waa looga howlgalay ayuu yiri,’’ Col Cismaan Dubad.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in ay xoogga saareen dhinaca tababarka ciidamada si markaa dhalinyarrada hubeysan ee u abaabulan qaab beeleedka looga dhigo ciidamo Qaran, isaga oo sheegay in arintaa ay ku guuleysteen.

“Maanta waad arkeysaan gobollku waxaa uu leeyahay ciidamo lagu faano, oo wax badan ka badalay nabad-galyada magaalada, waana kuwo ku filan xitaa in ay ka hor tagaan kooxaha cadawgga,’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada Jabuuti.

Mar wax laga weydiiyay waxa uga qorsheysan deegaannada kale ee gobollka Hiiraan oo wali gacanta ugu jira Al-shabaab, waxaa uu sheegay in marka hore loo  baahan yahay in salka loo dhigo amniga magaalada, markaa kadibna loo dhaqaaqo qeybaha kale ee gobollka.

“Micno badan malaha in markiiba howlgal leysaga dhaqaaqo, xili aan wax badan laga qaban amniga magaalada, hadda magaalada amnigeedu waa uu hagaagsan yahay, talaabada xigta dabcan waad garan kartaan, waa in loo gudbo gobollka intiisa kale, “ayuu yiri Col. Dubad.

Waxaa uu sheegay in amniga ka jira magaalada uu sababay in dhaq-dhaqaaqa ganacsigu kordho, oo la akri karo mehrado ganacsi oo xiliyada habeenkii shaqeynaya, iyadoo aysan jirin wax laga cabsanayo, madaama si joogta ay u howlgalaan ciidamada Jabuuti iyo kuwa maamulka gobollka oo iskaashanaya.

Ciidamada Jabuuti oo soo gaaray magaalada Baladweyne bilihii ugu danbeeyay sanadkii ina dhaafay ee 2012-ka, ayaa la oran karaa waxaa ay wax badan ka qabteen amaanka oo hadda uu ka muuqdo isabadal la tabaan karo iyaga oo kaashanaya ciidamada mamulka gobollka Hiiraan oo tababar joogta ay siiyeen saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya