4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2013
Maxbuus Soomaali ah oo isku dilay xabsi ku yaalla Dalka Talyaaniga

Talaado, January 08, 2013(HOL): Wiil Soomaali ah oo ku jiray xabsi ku yaalla magaalada Lecce ee dalka Talyaaniga, halkaasi oo loogu xiray in uu ku soo qaato ciqaabta dembi xatooyo ah oo lagu helay ayaa isdaldalay kaddib markii ay xaalad nolol xumo ah ay xabsiga kula soo gudboonaatay.

 

Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi oo 38 jir ah, isla markaana xabsiga ku xirnaa muddo sanad ah ayaa waxaa uu isku dilay qeybta caafimaadka ee isbitaalka Borgo San Nicola, waxaana sidaas sheegay Booliska Dhaqancelinta dalka Talyaaniga.

 

Sarkaal u hadlay Midowga Booliska Dhaqancelinta Talyaaniga oo lagu magcaabo Domenico Mastrulli ayaa sheegay in xabsiga oo ku yaalla gobolka Puglia ay  dhibaatooyin ka jiraan, kuwaasi oo maxaabiista ku xambaara in ay qudha iska jaraan. Sida lagu xusay cilmi baaris soo baxday bishii December ee aanu ka soo gudubnay waxaa sanad kasta la sheegaa inay isdilaan qiyaastii 60 maxbuus, kuwaasi oo 20 jeer ka badan dadka iyagoo aan xabsi ku jirin isku dila dalka Talyaaniga.

 

Sidoo kale u kuurgelid joogto ah oo dhimashada xabsiyada Talyaaniga laga sameeyay ayaa lagu ogaaday in sidoo kale ay sanadkiiba naftooda gooyaan 10 ka mid ah booliska dhaqancelinta ee ka howlgala xabsiyada Talyaaniga, taasi oo seddex u laab ka badan dhimashooyinka ka dhaca laamaha kale ee ciidamada ammaanka Talyaaniga. Dhammaanba dilalka ay isu geystaan maxaabiista ku jira xabsiyada dhaqancelinta Talyaaniga ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto arrimo dhinaca deegaanka ah sida iyagoo ku xiran meelo aan hagaagsaneyn oo ciriiri ah ama aaney wanaagsaneyn sixo ahaan iyo weliba iyadoo  dadka si sharci darro ah loo soo xiro.

 

Warbixintan baarista ah ee ka hadleysa xabsiyada dalka Talyaaniga  ayaa sidoo kale sheegtay in tirade dadka xabsiyada ku jira ay 40-kii sano ee la soo dhaafay ay labuulaabantay, iyadoo kaliya toban kun oo dhisme lagu kordhiyay dhismaha xabsiyada ay cilmi baarista ka hadleyso.

 

Marco Pannella oo ah hoggaamiyaha taariikhiga ah ee xisbiga mayalka adag ee dalka Talyaaniga  ayaa qabtay 9 maalmood oo cunto iyo biyo ka soomid ah, taasi oo uu ku dalbanayo in la joojiyo kororka maxaabiista ku jirta xabsiyada Talyaaniga, isla markaana maxaabiista la siiyo xaq ay codkooda ku dhiibtaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]